Calendar

Wafdi Qaramadda Midoobay ka socda oo soo gaaray magaalada Muqdisho.

imagesCACQPW13Wafdigaan Qaramada Midoobay ka socda oo soo gaaray magaalada Muqdisho ayaa waxay ahaayeen xubnaha ugu sareeya guddiga madaxa banaan ee Jamciyada Qaruumaha u qaabilsan arrimaha bini’aadanimada.

Xubnaha ayaa waxay kulan kula qaateen xafiiskiisa Ra’iisul-wasaaraha Xukuumada Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali Gaas waxaana ay ka wada hadleen arrimaha bini’aadanimada iyo xuquuqul Insaanka.

Kulanka markii uu soo dhamaaday ayaa waxaa Warbaahinta la hadlay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cabdi wali Maxamed Cali iyo Shamsu daar oo ah hogaamiyaha wafdiga ka socday QM ee soo gaaray Muqdisho.

Wuxuu sheegay Ra’iisul-wasaare C/wali Gaas in Somaaliya ay xilligaan ka mid tahay dalalka ka gudbaya dhibaatooyinka bini’aadanimada.

Uqaabilsanaha guddiga madaxa banaan ee QM arimaha bini’aadanimada Shamsu daar ayaa isna dhankiisa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu soo booqdo Muqdisho asigoo sheegay guddigiisa uu garab taagan yahay dadka Soomaaliyeed hadii ay ahaanlaheed mid gargaar iyo mid xiiriir wada shaqeynna uu la leeyahay dowladda KMG Soomaaliya.

Qaramada Midoobay ayaa horay u sheegtay Soomaaliya inay ka mid tahay dalalka Caalamka kuwa ugu qatarta badan marka loo eego dhinaca bini’aadanimada.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: