Wafdi Kasocda Dowlada Somalia Oo Soo Gaaray Galkacyo
Wafdigan oo uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga ee DKMG C/rashiid Maxamed Cirro ayaa soo gaarey magaalada Galkacyo shaey galab iyagoo ka soo ambabaxay magaalada Muqdisho ee caasimada.
Xubnaha wafdigan waxaa ka mid ah xildhibaano ka tirsan barlamanka KMG iyo saraakiil ka tirsan xafiiska raisul wasaaraha KMG Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke, waxayna booqshadan noqoneysaa midi ugu horeysey ee nooceeda ah oo saraakiil ka tirsan xafiiska raisul wasaare Cumar C/rashiid iyo xildhibaano ka tirsan barlamanka cusub ay ku yimaadaan degaanada Puntland.
Qaar ka mid ah xubnaha wafdigan ayaa u sheegay Horseed Media in ujeedada socdaalka wafdiga uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga C/rashiid Cirro ee Gaalkacyo loogu gogol xaarayo safar deganaada Puntland ay ku yimaadaan masuuliyiin sare oo ka tirsan DKMG, waxaana wararka Horseed Media heleyso ay shegayaan inay suuragal ay tahay in masuuliyiinta sare ee laga yaabo inay Puntland yimaadaan ay ka mid yihiin raisul wasaraha KMG Cumar C/rashiid iyo wasiiro ka tirsan golaha xukuumada, socdaalkaasi oo hadda loo sii googol xaarayo.
Wararka qaarkood ayaa tilmaamaa inay suuragal tahay in booqashada masuuliyiinta sare ee dowlada KMG ay ku imaanayaan degaaada Puntland ee hadda loo sii googol xaarayo uu ka mid yahay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.
Wafdiga DKMG ee uu hogaaminayo wasiirka ganacsiga waxay magaalada Gaalkacyo kulamo kula yeesheen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Mudug iyo waxgarad degaanka, iyagoo lagu wado inay magaalada Gaalkacyo uga sii gudbaan magaalooyin kale oo ka mid ah maamul goboleedka Puntland, sida ay tilmaamayaan xubnaha wafdiga oo Horseed Media ay la hadashey.
Comments
comments