Wafdi ka socday UN-Ka oo gaaray Magaalada Gaal-kacyo iyadoo booqday xeryaha Barakacayaasha Magaaladaasi.
Bartamaha(Gaal-kacyo):-Wafdi ka socday hay’adaha gar-gaarka Qaramada Midoobe ayaa maanta gaaray Magaalada Gal-kacyo iyagoo kulamo la yeeshay Madaxda Deegaanadaasi iyo Barakacayaasha .
Wakiila ka socday hay’adaha Ocha,Unicef,iyo WFP ayaa waxa ay booqasho ku tageen xeryaha ay ku noolyihiin shacabka ka soo barakacay Gobolada Dalka iyagfoo ka dayriyay xaalada nolosha.
Gudiga gar-gaarka Maamulka Gal-mudug ayaa la sheegay in wafdiga ay soo dhaweeyeen islamarkaana ay kulan la yeesheen iyagoo ka dalbaday in ay gar-gaar shacabka dhibaataysa ay la soo gaaraan.
Wafdiga maanta Koonfirta Gaal-kacyo gaaray ma ahayn kuwa bixinayay deeqo balse waxa ay ahaayeen xaqiiq raadiyayaal iyo Sawir qaadayaan kuwaasi oo hadlkooda ku soo koobay in dhibaatada jirta ay gudbin doonaan.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments