Calendar

Wafdi ka socday Qaramada Midoobe iyo Dowlada Norwey oo Muqdisho kulan kula yeesheen Madaxda Dowlada(Sawiro).

u6Bartamaha (Muqdisho):-Wafdi ka socday UN-Ka iyo Dowlada Norwey ayaa shalay gaaray Magaalada Muqdisho iyagoo kulan la qaatay Madaxda sare Ee Dowlada Soomaaliya.

Wafdi ka kooban 11-Xubnood, waxayna kala ahaayeen Ku xigeenka wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Charles Petri, Mss. Rena oo ka mid ah Howl wadeennada Safaaradda Norway ay ku leedahay Kenya Qeybteeda qaabilsan arrimaha Soomaaliya, waxaana wafdigaan la socday Safiirka Soomaaliya u jooga Kenya Maxamed Cali Ameeriko iyo Xubno kale.

Wafdiga ayaa waxa ay kulan la yeesheen Madaxda sare Ee Dowlada Soomaaliya iyagoo ugu horay la kulmay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke iyo Golaha Wasiirada oo kulan ku lahaa Madaxtooyada.

Muddo saacad ku dhow waxa ay sidoo kale Madaxtooyada kula kulmeen Madaxweyne         Shariif oo ay kala hadleen dhanka ammaanka iyo isbadalka Dowlada ay ku talaabsan karto.

Charles Petri oo ah ku xigeenka Wakiilka Gaarka ah ee Qaramada Midoobe u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya oo Kulankii ay madaxweynaha la qaateen kadib la hadlayay saxaafada ayaa sheegay in ay kala hadleen Dowlada taageerada ay la garab taaganyihiin. 

Mr. Petri ayaa sheegay in dhawaan isbadal xoogan lagu samyn doono taageerada la siiyo Dowlada soomaaliya oo noqon doono mid si dhab ah u muuqda oo garab xoogan Dowlada ay siinayaan. 

Saraakiisha ka socday Dowlada Norway ayaa waxa ay sheegeen in ujeedada socdaalkooda uu yahay sidii wax qabad wanaagsan loola garab istaagi lahaa Dowlada oo ay Norwey ka saacido doonto dhanka dhismaha.

u5

 

 

 

 

 

 

u4

 

 

 

 

 

 

u18

 

 

 

 

 

 

u8

 

 

 

 

 

 

u16

 

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: