Wafdi ka socda qaramada midoobay oo booqday Shabeellaha dhexe
Wararka ka imaanaya Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe ayaa ku soo warramaya in wafdi ka socda Qaramada Midoobay Maanta Kormeero ay ku tageen deegaanno ku yaalla Gobolka Sh/dhexe oo dhawaan Fatahaad uu ka geystay Wabiga Shabelle.
Wafdigaan ka socda Qaramada Midoobay waxaa Kormeerka ku wehliya Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Sh/dhexe ee Dowladda Federaalka Soomaaliya , waxaana Deegaanada ay Kormeerada ku tageen ka mid ah deegaan lagu Magacaabo Baareey oo 3 KM dhinaca Waqooyi uga beegan Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Sh/dhexe halkaasi oo si weyn fatahaadu u saameysay.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.