Waddanka Syria oo la filayo in maalmaha soo socda weerar lagu qaado
Maraykanka iyo wadamo kale oo reer galbeed ah ayaa qorshaynaya in weerar kooban oo lagu burburinayo hubka kiimikaalka ah ee dalka Syria in waddankaasi lagu qaado kadib markii a madaxweyne Asad lagu eedeeyay in ciidankiisu ay ku dileen hub kiimikaal ah, deegaanka Qawdha ee ka tirsan magaalada Dimishiq ee caasimada Syria.
Marakiibta dagaalka ee Maraykanka ayaa u soo ruqaansaday dhinaca badda Midetteranianka, iyadoo badaha u dhow Syrian ay haatan gaareen ugu yaraan afar ah maraakiibta xambaarta diyaaradaha dagaalka.
Wadamada Ruushka iyo Iran oo si wayn u taageera madaxweynaha Syria Bashaar Alasad ayaa ka digay weerar lagu qaado Syria oo ay ku tilmaameen in cawaaqib xumi uu ka dhalan karo.
Waxaase Maraykanka,Britain iyo Fransiisku ay isku raaceen in ay tahay tillaabo ku habboon in laga qaado madaxweynaha Syria Assad oo ay ku eedaynayaan inuu bixiyay amarka ah in shacabka loo isticmaalo hubka kiimikaalka oo ay ku dhinteen hal maalin ah dad ku dhow 1500 oo qof, 5000 oo kalana ay ku neef qabatoobeen.
Comments
comments