Wadamadda Islaamka oo ku deeqay abaarta ka taagan Somaaliya 350-Million oo dollar
Istambul:-(www.Bartamaha.com):- Xoghayaha Guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka Ekmeleddin Ihsanoglu ayaa saxaafadda u sheegay markii u soo dhamaaday shirkii 57-wadan ee ku jira Ururka OIC Arbacadii ku yeesheen magaaladda Istambuul ee dalka Turkiga in la ballan qaaday lacag gaareyso ilaa 350-Million dollar oo lagu caawinaayo dadka abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Mr. Isanu Ogle in rajo wanaagsan ka qabo in la gaarsiyo mar dhow lacagtaas ilaa 500-Million oo dollar sidda ugu dhaqsiyaha badan.
Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Tayyip Erdogan ayaa ku baaqay in la caawiyo Soomaaliya, waxa uu cambaareeyay wadamadda Malaayiinta Doollar iska heesta ee watta baabuurta kuwa lagu raaxeesto,kuwaas oo uu sheegay in ay iska in dha tirayaan dadka saboolnimada ay dilootay, oo leh haddana aduunyadda ayaan hogaaminaa ayuu shee”.
Waxa kalo uu sheegay Dadaaladda ay muujinayaan OIC in ay saameen ku yeeli doonto wadamadda Jiifa, waxa aan rajeenayaa aduunyadda iyana in ay talaabadaas sameen doonaan” ayuu sheegay Ra’iisal Wasaaraha Turkiga.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareekanka Hillary Clinton ayaa sheegtay todobaadkii horre in ay bixiyeen 17- million oo doollar oo dheeri ah oo wax looga qabaanayo gaajadda Africa, waxa ku jira 12-million oo doollar si gaar ah lagu caawinaayo Soomaaliya Mareekanka ayaa howalaha gargaarka Africa waxa ay ku bixiyeen in ka badan $580 million-doollar ilaa sanadkan .
Madaxweynaha Soomaaliya Sheikh Sharif Ahmed ayaa ka sheegay shirka uusan heesan cunto ku filan iyo coos ay daaqan xaaolaha, waxana uu sheegay meelaha ugu daran in ay maamulaan Ururka Shabaab.
W/D:Xafiiska Wararka www.Bartamaha.com
Comments
comments