Wadamadda Eritrea iyo Uganda oo ka hadlay Xaaaladda Soomaaliya.
Kampala:(www.Bartamaha.com):- Sida laga soo xigtay war ka soo baxay xarunta Eritrea ee Asmara, Madaxweynahayaasha wadamadda Eritrea iyo Uganda ayaa shaley kulan looga hadlay arrimo badan oo ay ku jirto xaaladda Soomaaliya waxa ay ku yeesheen magaaladda Kampala ee dalka Uganda.
Madaxweyne Issaias Afeworki ayaa talaadadii waxa u bilaabatay socdaal seddax maalin ah oo uu ku joogi doono Kampala.
Madaxweynaha Eretria ayaa yiri “Waxa aan kaliye kawada hadalnay arrimo dhoor ah, waxa aan rajeenayaa in waqti kale la xalin doono arrimaha dhab,”.
“Waxa aan ka baranay wax badan madaxweyne Museveni waana dhageesanay..,” ayuu ku sii daray Issaias , ayaa lagu sheegay war murtiyeedka.
Ciidankeeda Uganda ayaa laf dhabar muhiim u ah askarta Midowga Africa ka joogta Soomaaliya ee AMISOM. Kuwaas oo difaaca dowladda KMG ah oo dagaallo kula jirta Ururka Al-Shabaab.
Kulanka Labada Madaxweyne ayaa ku soo aadaya wax ka yer labo todobaad kadib markii Al-Shabaab ay iskaga baxeen goobo muhiim ah oo ku yaala magaaladda Muqdisho.
Madaxweyne Museveni oo isna hadlay waxa uu sheegay in ay ka wada hadleen dhigiisa Eretria arrimo ay ka mid yihiin Siyaadda iyo xiriirka labada wadan.waxa ku xigi doona arrimaha amaanka ayuu yiri waxa aan ka wada gaarnay heshiis horrumar ah” .
Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda ayaa horrey ugu eedeesay dowladda Eretria in ay door weyn ku lahayd weeraradii labada ahaa ee lagu qaaday sanadkii horre Caasimadda Uganda ee Kampala kuwaas oo ay ku dhinteen 76-qof waxana sheegtay Ururka Al-Shabaab ee ka dagaalama Soomaaliya.
Waxa kaloo dowladda Eretira lagu eedeeyay in ay lug ku lahayd weeraraddii safaaradaha mareekanka uu ku lahaa Dar es Salaam iyo Nairobi sanadkii 1998-dii
Golaha Amaanka QM ayaa bishii July sanadkan waxa ay kor dhiyeen cunaqabateenta saaran dowladda Eretria ka dib markii la sheegay in ay taageerto Al-Shabaab, in kastoo ay iska fogeyso eedeentaas.
Eritrea ayaa ka baxday Urur Gobaleedka Africa ee IGAD ka dib markii 2006-2007 dagaaladda ay ka socdeen Soomaaliya oo ciidamo Ethiopian ah ay galeen Soomaaliya.
Si kastaba. Eretria ayaa hadda raadineysa in laga qaado xayiraada, bishii horre ayaa Madaxweyne Issaias waxa kula kulmay caasimadda dalka Cusub ee Koonfurta Sudan Juba Xoghayaha guud ee QM Ban Ki-Sida lagu sheegay website dowladda ay lee dahay.
W/D:Xafiiska Wararka Barmataha.com Muqdisho Soomaaliya
Comments
comments