Calendar

Wadamada Carabta oo looga digay gadashada dhuxusha Soomaaliya

Wadamada Khaliijka Carbeed ayaa ah kuwa ugu badan ee iibsada dhuxusha Soomaaliya, taasoo lacagta kasoo baxdaa ay gacanta u gasho ururka Alshabaab, keentana nabaad guur xoog leh oo ku dhaca deegaanka sida ay sheegtay qaramada midoobay.

Golaha Amaanka ayaaa waxa uu kadalbaday wadamada Carabta in ay joojiyaan ka ganacsiga Dhuxusha Sharci darada ah oo ay Golahu Ammaanka ay aaminsan yihiin in ay Lacagaha laga helo ka ganacsiga dhuxusha ay gacanta u galaan Xarakada Al-Shabaab.

Golaha Amaanka ayaa intaasi ku daray in Wadamada Carabta looga baahanyahay in ay dhowraan Xayiraadaha saaran Dhuxusha Soomaaliya oo ay ku soo rogtay Golaha Ammaanka.

Golaha Amaanka ayaa sheegay in ka ganacsiga Dhuxusha ay tahay dhaqaalaha ugu badan ee  Dhaq dhaqaaqa AL-Shabaab ay ku fuliyaan Weerarada ay ka gaystaan gudaha Magaalada Muqdisho.

Golaha Amaanka ayaa waxa uu horay ugu eedeeyay Ganacsatada kasoo jeeda dalalka Carabta in ay si Sharci dara ah u soo dhoofsadaan Dhuxusha dalka Soomaaliya.

Horay ayaa golaha Amaanku u sheegeen in ku dhawaad lacag gaaraysa $25 Million ay Shabaab jeebka ku shubteen lacagtaas oo kasoo gashay Dhoofinta Dhuxusha Soomaaliya, taasi badalkeedana ay wiiqday Dadaalada loogu jiro sidii  Nabada iyo Xasilooni loogu soo dabaali lahaa dalka Soomaaliya.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: