Wadahadallo lagu dhammaynayo khilaafka Jabbuuti oo ka furmay waddankaas
Dalka Jabuuti waxaa ka furmay wadahadal u dhexeeya mucaaradka iyo dowladda dalkaas, kaasoo lagu xalliyo muran ka dhashay doorashooyinkii horraantii sannadkan ka dhacay dalkaas, kuwaasoo sababay rabshado u dhexeeya taageerayaasha mucaaradka iyo dowladda.
Isbahaysiga USN oo ay ku mideysan yihiin xisbiyada mucaaradka Jabuuti ayaa ku gacan-sayray guusha uu gaaray xisbiga talada haya, waxaana ka dhacay dibadbaxyo iyo isku-dhacyo dhexmaray ciidamada amniga iyo dad taageersan mudaaradka.
Khilaafka siyaasadeed ayaa ka dhashay guushii ay isbahaysiga UMP ee dalka Jabuuti xukuma uu ka gaaray doorashooyinkii baarlamaaniga ee dalkaas ka dhacay bishii Feberaayo ee sannadkan.
Xoghayaha isbahaysiga mucaaradka, C/raxmaan Maxamed Geelle ayaa ku tilmaamay wadahadallada furmay kuwo guul ah, isagoo sheegay inay soo dhaweynayaan dowladda ayna diyaar u yihiin in khilaafka siyaasadeed jira la xalliyo.
Jabbuuti ayaa muumulkeeda waxaa muddo dheer iska haysta madaxweyne Geelle iyadoo mucaaradkuna ay ku eedeeyaan inuu yahay kalagi taliye cuburin ku haya mucaaradka.
Comments
comments