Wadada dheer ee isku xirta Magaalooyinka Kismaayo iyo Muqdisho oo ay Roobab Xoogan Gooyeen.
Sida ay wararku nagu soo gaarayaan wadada dheer ee isku xirta kismayo iyo Muqdisho ayaa in dhawaanahan waxaa ka da’ayay Roobabkii xooganaa ee ka da’ay badi koonfurta Dalka Soomaaliya.
Â
Wadadaan dheer ayaa haatan waxaa ku da’ay roobab Mahiigaan ah kuwaasi oo gooyay Badi isu geedi socodki gaadidka u kala safri jiray halklaasi, iyadoo ilaa Iminkana ay ku xayiran yihiin wadadaasi gaadiid fara badan iyo waliba dadkii watay
Â
Deegaanada ugu daran ee haatan dhibatooyinka  jid xiranka ba’ani uu ka jiro ayaa waxaa ka mid ah deegaanka Kuunya baroow oo qiyaastii 40km Waqooyi bari kaga beegan Degmada Jilib ee gobolka j/dhexe.
Â
Tuuladaasi Kuunyobarow ayaa haatan waxaa ku xayiran dad ubadan barakacayaal kasoo hayaamay dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo haatan Xaaladooda nololeed iyo mid caafimaadba laga deyrinayo, kagadaal markii dadkaasi oo u badnaa Haween iyo Caruur ay maalmo ku xayiranyihiin wadada u dhexeysa Muqdisho iyo Kismaayo.
Â
Caadiyan marka la gaaro jidxiranka inta udhaxeysa Kismaayo iyo muqdisho ayaa waxaa suurto gal ah in lagala kulmo dhibaatooyin dhanka safarka ah Maadaama  wadadaasi ay tahay mid aad u dayacan oo aan helin wax daryeel ah in kabadan 19 sanadood misna aanu jirin mashruuc Dowli ama mid Maxali ah oo isku dayay in uu dhiso.
Â
Â
Warar Xaqiiq ah kala Soco www.Bartamaha.com
Â
Kismayo – Somalia.
Comments
comments