Wadaad Islaamiyiinta ka mida oo ugu baaqay shirkada Internet-yada in ay xeraan Bogga Facebook.
Bartamaha(Muqdisho):-Wadaad ka mida raga Islaamiyiinta Mucaaradka ah ayaa ku baaqay in la xero Bogga Facebook oo uu sheegay in shareecada Islaamka uu ka horyimid.
Wadaadkan oo ah ninka Gudoomiyaha ka ah Golaha la magac baxay Camalka Islaamka Sheekh Maxamed Ibraahim Bilaal ayaa shaaca ka qaaday in Bogga Facebook ay leeyihiin Yahuud.
Sheekh Bilaal oo ah Gudoomiyaha Golaha Camalka Islaamka ayaa ugu baaqay dhammaan Shirkadaha Internetyada Soomaaliya ka shaqeeya in ay xeraan Bogga Facebook isagoo si gaar ah ugu baaqay Global Internet iyo Goolis in ay xeraan Boggaasi.
Wadaadkan ayaa daliil u soo qaatay in boggalagu faafiyo sawirada Nabigeena Muxamed wax looga sheegayo taasina aan marnaba la qaadan Karin.
Hadalka ninkan ayaa u muuqday mid uu uga faa’iidaysanayo warkii shalay shabaabka ay ka soo saareen TV-ga Universal oo ay ku xukumeen mid ay dadka ka shaqeeya ay shareecada ka bexeen.
Shabakada Facebook ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku midaysanyihiin in ka badan 40-Milyan oo dadka Caalamka ku nool ah oo ay aad uga dhexmuuqdaan dhalinyarada Soomaaliyeed.
Xafiiska www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia
Comments
comments