Calendar

Wada-tashiga Barnaamijka Higsiga Cusub “New Deal” oo Maanta ka furmay Magaalada Muqdisho ee xarunta Somalia

Wasiir ku xigeenka wasaaradda maaliyadda iyo qorsheynta Soomaaliya, Abuukar Sheekh Cabdi Ibraahim ayaa maanta Muqdisho ka furay shirkii wada-tashiga barnaamijka Higsiga Cusub “ New Deal” oo socon doona saddex maalmood.

Shirkan ayaa waxaa kasoo qayb-galay mas’uuliyiin ka kala socda laamaha dowladda, xildhibaanno iyo ururrada bulshada rayidka ah.

Wasiir ku-xigeenka maaliyadda iyo qorshaynta Qaranka ayaa ka warbixiyay hawlaha barnaamijka Hiigsiga Cusub, isagoo sheegay in shirar wada-tashi ah horey looga qabtay magaalooyin ay ka mid yihiin: Muqdisho, Gaalkacayo, Baydhabo iyo Garoowe.

“Ujeeddada barnaamijkan waxa weeye in la helo talo mideysan oo dalka lagu dhisayo. Hiigsiga Cusub, waxaa horey u adeegsaday dalal badan, innaguna taas baan daba-taagannahay waxaan rajaynayaa inaan dhibaatadda kaga baxno,” ayuu yiri Abuukar Sheekh.  Barnaamijka Higsiga Cusub oo ah aragti Qaran oo midaysan ayaa xoogga saaraya dhinacyada ay ka mid yihiin siyaasadda, nabadgelyada, caddaaladda, dhaqaalaha, ururinta canshuuraha iyo adeegga bulshada.

Xubno ka socday ururrada bulshada rayidka ah oo ka hadlay furitaanka shirkan wada-tashiga ayaa soo dhaweeyay barnaamijkan, waxayna tilmaameen in barnaamijkan uu wax badan ka tarayo marxaladda uu marayo dalka Soomaaliya.  Dowladda Soomaaliya ayaa barnaamijka Hiigsiga Cusub diyaarinaysay in muddo ah si qorshe midaysan oo ay bulshadu ku leedahay talooyin si loo geeyo shirka 16-ka Sabteembar ka dhacaya magaalada Brussels ee dalka Belgium.

Barnaamijka Hiigsiga Cusub ayaa ah in dalalka nugul ee dagaallada kasoo baxaya la siiyo dhaqaale toos ah, waxayna dowladda Somalia yeelanaysaa soo jeedinta qorshaha lagu taageerayo iyo fulintiisa.

Higsiga Cusub ayaa markii ugu horreysay lagu go’aamiyay shir lagu qabtay magaalada Busan ee dalka Koonfur Kuuriya dhammaadkii 2011-kii, waxaana ujeeddadu ahayd in kor loo qaado wax-tarka kaalmada la siiyo dalalka nugul.

Comments

comments

About News Editor

Hussein Omar is a general assignment reporter for Bartamaha News Services (a SMO Company), based in Mogadishu, Somalia bureau. Hussein Omar is thrilled to call the Mogadishu home, especially because he loves sunny weather and food he's also a big football fan. Hussein Omar contributed to Bartamaha for blogging about general and breaking Somali news topics. His posts have been archived for your reading pleasure! http://www.bartamaha.com/author/news-editor/
Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: