Calendar

Wada hadal u furmay dhinacyadii ku dagaalamay Magaalada Gaal-Kacyo.

woqoyiga gal-kacyoBartamaha(Gaal-Kacyo):-Wada Xaajood ayaa u bilowday dhinacyadii  ku dagaalamay magaalada Gaal-Kacyo Ee Puntland iyo Gal-Mudug.

Wararkii ugu danbeeyay ee naga soo gaaray Magaalada Gaal-Kacyo ayaa sheegaya in wada xaajood uu ka dhexbilowday dhinacyada Puntand iyo Gal-mudug.

Kulanka looga arinsanayo dagaalkii qasaara dhaliyay ee ka dhacay Magaalada Gaal-Kacyo ayaa la filayaa in labada dhinac ay kaga wada hadlaan dagaalkaasi qasaara dhaliyay sababta keentay.

Masuuliyiin ilaala xoogan laga hayo ayaa la sheegay in uu haatan kulan uga socdo Magaalada Gaal-Kacyo iyadoo la filayo in ay ka arinsadaan dagaalka.

Dagaalka oo muddo 2-cisho ah ka socanayay Gaal-Kacyo ayaa waxa uu sababay in magaalada ay kala xeranto qasaara badana uu ka soo gaaro dad shacab ah.

Wixii ku soo kordha kulanka ka socda Gaal-Kacyo kala soco www.Bartamaha.Com Insha Allaah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: