Muqtaar Rooboow”Waan sii wadaynaa dagaalada inta ay ka burbureeyso dowladda isla markaana ay baxayaan ciidamada AMISOM”
Ururka Al shabaab ayaa sheegay in ay sii wadayaan dagaalada inta ay ka burbureeyso dowladda isla markaana ay baxayaan ciidamada AMISOM.
Afhayeenka Dhaq dhaqaaqa Al Shabaab Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo maanta shir jaraa’id qabtay ayaa waxaa uu ka hadlay dagaalada maalmihii u dambeeya ka dhacay gobolada Hiiraan,Galgaduud iyo Banaadir.
Sheekh Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur waxaa uu sheegay in ay si wadayaan dagaalada ay kula jireen dowladda KMG Soomaaliya ilaa inta ay ka bur burayso dowladda KMG Soomaaliya islamarkaana ay ka baxayaan dalka ciidamada AMISOM sida uu sheegay.
Xayaysiin | Somali Youth Summit 2009 Minneapolis
|
Waxaa uu tilmaamay Afhayeenku in ay mideysanyihiin dagaalada ka socda degmada Maxaas,deegaanka Wabxo ee gobolada Galgaduud iyo Hiiraan iyo kuwa ka socda Magaalada Muqdisho kuwaasi oo dhamaantood uu sheegay in ay kula jiraan ciidamo Gaalo ah iyo kuwa uu sheegay in ay iyaga u adeegayaan.
Dagaalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay degmada Jowhar ee gobolka Sh/dhexe ayuu sheegay in uu ahaa mid lagu doonayay in lagu go’doomiyo Xoogaga Al Shabaab ee ka dagaalamayay degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan,waxaana uu carabka ku dhifta in dagaalka ka dhacay degamada Maxaas uu ku bilowday kadib markii ciidamo ka tirsan Al Shabaab oo gurmad ahaan ugu socday deegaanka wabxo ay jidka u galeen ciidamo uu ku tilmaamay in ay yihiin Illaaheey Cadowgiis.
Waxaa uu meesha ka saaray in ay weerarayaan Al Shabaab dad qabiil ah oo degmo ama gobol degan iskuna maamulaya Shareecada Islaamka isagoo tilmaamay in ay la dagaalayaan oo kali ah cidii dhagasataa boorka dowladda KMG Soomaaliya.
Hadalka Ururka Al Shabaab ayaa ku soo aadaya xili dagaalo ay ka socdaan qaar ka mid ah gobolada dhexe ee dalka Soomaaliya,iyagoo sidoo kale xoogaga Al Shabaab ay dagaal kula jiraan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee jooga gudaha Magaalada Muqdisho.
Xigasho: Shabelle
Comments
comments