(VIDEO) Siday ku timid Heesta Soomaaliyeey Toosoo & Xilligii la sameeyay: Waraysigii Cali Mire
Bartamaha Media ayaa waraysi wax ku ool ah oo taariikhi ah ka qaaday Abwaanka Cali Mire Cawaale oo ah sidaad la socotaanba hal abuuraha heesta Soomaaliyeey Toosoo oo ah Heesta Qaranka.
Waraysigan oo taabanaya sharraxayana sida ay ku timid heestu iyo dadkii la joogay markuu abwaanku samaynayay iyo waliba siyaabahay ku timid.
www.Bartamaha.com waxay u mahadnaqayaan Siciid M. M. Shire “Suugaan” oo noo suurta galiyay inaan duubno waraysigan.
Halkan ka daawo waraysigii oo dhan:
Maqaloo Ooy – Waa Gabay uu Cali Mire tiriyay Xilligii gumaysiga, gabaygani wuxuu ku tusayaa dhibtii lagu hayay Soomaalida iyo sida loo xakamaynayay, Sida uu sheegayo Macallin Cali waxyaabihii ku khasbay inuu tiriyo gabaygan waxaa ka mid ahaa in nin Soomaali ah loo diiday inuu guri meel ka dhisto meeshaas oo u dhowey guri nin Ingiriis ah, Haddaba markii loo ogolaaday inuu dhisto guriga ayaa haddana loo diiday maxaa yeelay ninka gumaystaha ah ayaa yiri ma rabo inaan hadalkiisa habeenkii maqlo.
Daawo Gabaygii iyo fasiraadiisii:
Comments
comments