Calendar

Ururka Xizbul Islaam oo shaaca ka qaaday in dhawaan ay howlgalin doonto Dakada Ceel-Macaan iyo Garoonka Cisalay.

cis5Bartamaha(Muqdisho):-Masuul u hadlay Kooxda Xizbul Islaam ayaa sheegay in dhawaan ay howlgalin doonaan Dakada Ceel Macaan iyo Garoonka Cisalay duleedka Magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha Xizbul Islaam Deegaanka Ceel-Macaan  Sheekh Yuusuf Aadan C/kariin ayaa waxa uu sheegay in ay dhawaan shaqo ka bilaabayaan Dakada Ceel Mascaan islamarkaana ay ku soo xeranayaan maraakiibta badeecda wada.

Sargaalkaasi ka tirsan Xizbul Islaam ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay nadaafada Dakada ka shaqeeyeen isagoo xusay in ay haatan ku hammi weynyihiin in ay Dakada Howlgaliyaan.

Sidoo Kale Masuulkaasi waxa uu xusay in ay dhawaan ay garoonka Cisalay ka shaqa bilaabayaan waxa uuna sheegay in Xafiisyda duulimaadka Diyaaradaha la hagaajiyay oo shaqadooda ay bilaabayaan dhawaan.

Rajada Xizbul Islaam oo ah in garoonka iyo Dakada Macmalka ah la furo ayaa timid markii magaalada Kismaayo oo ay maamul wadaag ku ahaayeen laga soo eryaday iyadoo xiligana aan la isla garan in la furo Dakadaasi iyo garoonka oo ay isku hayaan siyaasad ahaan Islaamiyiinta Shabaab iyo Xizbul Islaam.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: