Ururka Xizbul Islaam oo qiray Ciidamo ka goostay in ay ku biireen Dowlada Soomaaliya.
Bartamaha(Muqdisho):-Ururka Xizbul Islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay jiraan Ciidamo ka goostay oo ku biiray dhanka Dowlada Soomaaliya.
Sheekh Maxamed Macalin Cali Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam ayaa sheegay in ay Ciidamo kooban oo ahaa kuwa Xizbul Islaam ay u goosteen dhanka Dowlada ka dib markii ka caroodeen dil dhawaan koox ay ugu geesteen Ceelasha Biyaha.
Madaxa Warfaafinta Xizbul Islaam ayaa qiray in Ciidamadaasi ay ka goosteen balse aanay jirin wax gaari dagaal ah oo ay la gaareen dhanka Dowlada islamarkaana la been abuuray gaarigii shalay lagu soo bandhigay Ciidamda.
Masuulkaasi Xizbul Islaam u hadlayay ayaa waxa uu intaasi ku daray in ay natiija ka gaari waayeen baaritaankii ay ku wadeen Sargaal dhawaan lagu dilay Ceelasha Biyaha oo Ciidamadiisa shslay Dowlada ay ku biireen.
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments