Ururka Xizbul Islaam oo la wareegay Degmada Luuq ka dib markii ay halkaasi ka bexeen Ciidamada Dowlada.
Bartamaha (Luuq):-Ciidamada Dowlada Fd Soomaaliya ayaa isaga baxay Degmada Luuq Ee Gobolka Gedo iyadoo ay la wareegeen Xoogaga Xizbul Islaam.
Wararka haatan naga soo gaaraya Degmada Luuq EE Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Ciidamada Dowlada ay saaka degmadaasi faarujiyeen iyadoo saacad ka dibna ay halkaasi yimaadeen Ciidamada Xizbul Islaam.
Ciidamada Dowlada ayaa lagu soo waramayaa in ay u boqooleen dhanka Deegaanka Doolow halkaasi oo markii hore ay ka soo duuleen iyadoo la sheegay in xiligaasi aanay jirin wax dagaal ah oo lala galayay.
Dhanka Ciidamada Xizbul Islaam oo markii hore jihooyin kala duwan uga soo wajahnaayeen Degmada Luuq ayaa muddo kooban ka dib soo buuxiyay Degmadaasi kuwaasi oo ridayay rasaas yool-baar ama waan joognaa muujinaysay ku ridayay degmada.
 Illaa haatan ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka Ciidamada qabsaday Luuq Ee ka tirsan Xizbul Islaam iyadoo Saraakiisha Ciidamadaasi qaarkood ay telfoonadooda xearnyihiin .
Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments