Calendar

Ururka Xizbul Islaam oo ka soo horjeestay Maamulkii shalay Alshabaab u dhistay Gobolada Jubooyinka.

xizbul IslaamBartamaha(Kismaayo):-Ururka Xizbul Islaam ayaa si cad uga soo horjeesatay Maamulkii shalay Alshabaab u Dhistay Gobolada Jobooyinka Xilli khilaafka uu sababay gacan ka hadal.

Afhayeenka Golaha Shuurada Ururka Xizbul Islaam oo shirjaraa’id qabtay ka dibku dhawaaqidii Afhayeenka Alshabaab Maamulka loo xilsaaray Gobolada Jubooyinka ayaa waxa uu shyaaca ka qaaday in aanay marnaba aqoonsan doonin  Maamulkaasi.

 

Sheekh  Ismaaciil Xaaji Cadow Nur Afhayeenka Shuuracada Xizbul Islaam ayaa waxa uu sheegay in aanay maamulkaasi u arki doonin Maamul Islaami ah islamarkaana ay dhankooda Maamul u dhisayaan Gobolada Jubooyinka si shaqda Bulshada si cdaalad ah loogu sameeyo.

Afhayeenka shuurada ayaa ku baaqay in la joojiyo dhammaan wararka bulshada lagu qaldayo oo ka soo baxaya dhanka Kooxda Alshabaab isagoo muujiyay qatarta ka imaan karto dagaal dhexmara Mujaahidiinta.

Hadalkan ayaa imaanaya wax yar ka dib ku dhawaaqidii Afhayeenka Alshabaab ee Maamulka Cusub Ee loo xilsaaray Gobolada Jubooyinka taasi oo noqonaysa weerar xagga warbaahinta la isku mariyay.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: