Calendar

Ururka Xisbul Islaam oo qabsaday Tuuladii uu ku dhashay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

xisbul-islamBARTAMAHA (Muqdisho):-Xoogaga islamaiyiinta Mucaradka ah ayaa la wareegay deegaanno hor leh oo ay haysteen Ciidankii Maxaakimta ee dowladda taageersanaa.

Wararka nagasoo gaaraya Gobolka Sh/dhexe ayaa xaqiijinaya in Kooxaha Mucaaradka Xisbul Islaam ay la wareegtay degmadii uu ku dhashay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Dagaalyahano katirsan Kooxda Xisbul Islaam ayaa la sheegay in ay gaareen Tuulada Cali Fooldheere oo uu ku dhasahy madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

Afhayeenka Kooxda Xisbul Islaam Shiikh Muuse Caraale ayaa Warbahainta usheegay in Ciidankoodu ay tageen degmada Mahadaay iyo Cali Fooldheere halkaasna ay ka samay doonaan Maxaakim Islaami ah.

Kooxaha Islaamiyiinta Mucaaradsan dowladda ayaa isku dayaya in ay dowladda go’doomiyaan islamarkaana ay qabsadaan gobalada Koonfurta Somalia.

Qabsashada deegaanka Cali Fooldheere ayaa ka dhigan in laqabsaday Villa Somalia maadama ay tahay meeshii uu ku dhashay Madaxweyne Shariif Shiikh Axmed.

BARTAMAHA/RBC Muqdisho Somalia

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: