Ururka Xisbil Islaam oo amaro kala duwan ku soo rogay dadka ku dhaqan Magaalada Baladweyne iyo Degmada Afgooye ee Gobalka Sh/H.
Bartamaha (Muqdisho):- Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa Dumarka Beeraleyda ee Degmada Afgoye ku amray in ay xirtaan Jalbaab adag iyo in Magaaladda gudaheeda aan la soo marsiin karin Makiilada lagu falo beeraha.
Sidoo kale wareegtadaasi ayaa lagu sheegay in gudaha degmada Afgooye aan lagu dhex arki karin sigaarka islamarkaan aan lagu cuni karin goobaha lagu shaaaheeyo ee lo yaqaan biibitooyinka.
Dhinaca kale Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee degmada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ayaa markii ugu horeeysya amaro ku soo ragoy gaadiidka soo gala iyo kuwa ka baxa magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan kaasoo ku aadan in ay ka qaadayaan lacago taakuleyn ah oo loogu talagalay dayactirka wadooyinka Magaalada Baladweyne.
Maamulka xisbul Islaam ee Magaalada Baladweyne ayaa faras magaalaha waxaa ay soo dhigeen boorar ay ku xardhanaayeen taakuleynta dayactirka wadooyinka gobolka Hiiraan taasoo aheeyd fariin ku socotay gaadiidleyda ka howlgasha gobolkaasi hiiraan.
Ugu dambeyntii Maamulka Xisbul Islaam ee degmada Buurhakaba ayaa sheegay in howlgalo amaanka lagu sugayo Maalmihii la soo dhaafay ay ka sameeyeen wadada dheere ee isku xirta Gobolada Sh/hoose iyo Bay halkaasi oo ay ka taagnaayeen falal dhac ah oo ay geysanayeen kooxaha burcad badeeda Soomaalida.
Ibraahim Da’ud Abdalle
Comments
comments