Calendar

Ururka Mu’tmarka Islaamka oo baaq u jeediyay dhinacyada Soomaalida Ee xiliga Bisha Ramadaan Dagaalamaya.

mu'tamarBartamaha (Qaahira):- Ururka Mu’tamarka Islaamka ayaa soo saaray baaq ay u jeedinayaan Dowlada Fd Soomaaliya iyo Xoogaga Mucaaradka iyadoo ay uga digeen dagaalo xiliga Ramadaan ay galaan.

Xog’hayaha guud ee  Ururka Mu’tamarka Islaamka Prof. Akmaludiin Ixsan Ogaali oo Saxaafada kula hadlayay Magaalada Qaahira ayaa shaaca ka qaaday in dagaalada xiligan bisha Ramadan ay dhibaato xoogan shacabka ka soo gaari karto.

Prof.Akmaludiin  ayaa tilmaamay in dhammaan wadamada Islaamka ay soo saareen qoraal baaq ah oo ay u dirayaan Masuuliyiinta Dowlada iyo Xoogaga Islkaamiga ah si ay dagaalada u istaagaan bisha Ramadan.

Akmaludiin  Ixsan Ogaali ayaa igu digay dhinacyada dagaalamaya xasuuq ay u geystaan Shacabka Sooman isagoo muujiyay sida ay uga xunyihiin dagaalada xiliga Bisha Ramadaan dhacaya.

Masuulkaasi oo shirkiisa jaraa’id ku gabagabeeyay baaq iyo digniin ayaa ka codsaday dhinacyada Dagaalama in xabadda ay joojiyaan iyagoo qadarinaya Bisha Ramadaan islamarkaana u naxaya shacabka dhibaatadu haysato.

Xafiiska Bartamaha wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: