Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga SOMALI-UK oo Xafiis ka furatay London(Sawiro)
Bartamaha (London):- Xaflad qurux badan oo lagu qabtey bariga magaalada London ayaa lagu furay xafiiska wakiilada Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK .
Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK ayaa ka wada magaalada London iyo Gobalada dalka Ingiriiska dhaqdhaqaaq uu maamul ugu dhisaayo islamarkaana ay ku doonayaan inay maamulkaasi uu noqdo mid doorta dalada guud ee Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee United Kingdom.
Xaflada waxaa ka qayb galey Gudoomiyaha Axmed Nuur Sayga Ruushka iyo Gudoomiye ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Isoomareey iyo xubno sar sare oo ka tirsan Ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Maxamed Khaliif, Cabdulqadir Maxamed iyo Cabdi Axmed, halka Bariga London gudigooda uu hogaaminayay Gudoomiyaha kooxda Nabadda Axmed Yasiin iyo Macalinka Kooxda Nabadda Cabdifataax Axmed , Gudoomiyaha ururka dhalinyarada Bariga London Adec ‘’Makaleli iyo Gudoomiyaha Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee Bariga magaalada London Cali Xuseen Mahdi.
Waxaa la isku afgartey in shaqada halkaasi laga sii wado islamarkaana la isugu yimaado shirweynaha lagu dhisaayo ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed oo la filaayo in bartamaha sanadka soo socdo lagu qabto magaalada London hadii Eebe idmo.
Gudoomiyaha ururka Mideynta Qurbajoogta Isboortiga Soomaaliyeed ee UK mudane Axmednuur Sayga iyo Ku xigeenkiisa Cabdulqaadir Isoomareey ayaa sheegay inay kooxda Nabadda gacanta ka sareen casumaad ciyaaro saaxiibtinimo oo lagu qaban doono dalka Talyaaniga sanadka soo socdo Insha Allah.
Daawo Sawirada:-
W/D: Yusuf Yusuf
London
Comments
comments