Ururka IGAD ayaa shaaca ka qaaday in ay ka dhabeyn doonaan xanibaada Dakadaha Iyo Garoomada ay maamulaan Islaamiyiinta Mucaaradka ah.
Bartamaha(Muqdisho):-Urur Goboleedka IGAD ayaa sheegay in ay xoojin doonaan go’aankooda ku aadanaa xanibaada Dakadaha iyo Garoomada ay maamulaan xoogaga Mucaaradka.
Kualan ay yeesheen wasiirada arimaha dibada wadamada qaar ee ku jira ururka IGAD ayaa sheegay in ay xoojin doonaan go’aankoodii ku aadanaa xanibaadda Garoomada iyo Dakadaha ay wax kala soo dagaan xoogaga mucaaradka si loo fuliyana ay haatan ay fulinta go’aankaasi ku dhaqaaqayaan.
Kualnkaasi ayaa waxaa isugu yimid wasiira gaaraya ilaa 4-Wasiir arima dibadeed oo IGAD ka tirsan kuwaasi oo ka arinsanayay xaalada dalka soomaaliya iyo dagaalada ay dowlada u tag la’dahay ee Muqdisho ka socda.
Wasiirka arimada dibada wadanka Kenya Moses Watangulo oo saxaafada la hadlaya yaa sheegay in u jeedada kulankooda ay salka ku haysay sidii ay wax uga badali lahaayeen xaalada garoomada iyo Dakadaha ay xanibaada saareen balse aanay jirin cid u hogaansantay.
Mr. Moses Watangulo ayaa sheegay in haatan ay bilaabayaan in ay awood adeegsadaan sidii ay u joojin lahaayeen soo dagista Dayuuradaha iyo Maraakiibta ay sheegeen in soomaaliya lagu keeno kooxo ka tirsan Al-Qaacida sida wasiirku uu sheegay.
Dhawwaan go’aan ay soo saareen wadamada Gobolka Ee IGAD yaa waxa ay ku shaaciyeen in gabi ahaanba la xanibay garoomada iyo dakadaha dalka soomaaliya gaar ahaan kuwa ay maamulaan kooxaha dowlada soomaaliya ku gacanseeray ee xiliganna dagaalada ku wada.
Xafiiska Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com
Muqdisho-Somalia.
Comments
comments