Calendar

Ururka Horumarinta Fanka iyo Dhaqanka oo shir ku qabtay Kenya

urukafankaUrurka Fanka iyo Dhaqanka Soomaalida ee SAAC (Somali Arts and Culture Foundation) ayaa kulan lagaga hadlayay Kaalinta Fanka iyo suugaanta ee nabadda iyo wacyigelinta dhallinyarada, shalay ku qabtay Hotel Barakat ee Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

kulankaan oo ay kasoo qayb galeen hal-abuurro, suugaanyahanno, aqoonyahanno, fannaaniin, saxafiyiin iyo ururro bulsho, ayaa dadkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Khadiija Ciise oo ka mid ah hawl-wadeenada ururka ee dalka Kenya oo ka warbixisay baahida keentay in ururkan la aasaaso iyo waxyaabaha uu higsano. Waxaanay sheegtay in uu ku yimi baahi loo qabo tayaynta iyo kor-u-qaadista fanka, Suugaanta iyo farxashaxanka Soomaaliyeed.

Faysal Aw-Cabdi oo ah hawl wadeenka guud ee ururka oo qadka telefonka uga qeybgalay shirka ayaa isna ka17066_1133612360375_1829302535_274842_5107766_n warbixiyay ujeedada ururkan. “Ururkan SAAC waa urur cusub, waana urur ujeeddadiisu tahay in uu wax ka baddalo hab-dhaqanka iyo ku-takri-falka Suugaanta iyo fanka Soomaalida. Haddii aan si kale u idhaa, “ururkani waa urur wax badan ka qaban doona sida hadda loo adeegsado hal-abuurka iyo suugaanta, doonayana in uu hana-qaadka fanka barbar eryo casriga, isla markaana xoojiyo Hiddaha iyo dhaqannada soo-jireenka ah Soomaalidu leedahay meel kasta oo ay ku kal nooshay.” Ayuu yidhi Faysal Aw-Cabdi. Waxaanu intaa ku daray oo uu yidhi, “Ururku wuxuu doonayaa in aanay lumin taariikhda fanku leeyahay, lana qiimeeyo fannaankii iyo abwaankii soo gaadhsiiyay halka uu immika marayo. Waa urur ballaadhan, baaxadda ururku waxay gaadhsiisan tahay, daraf illaa daraf inta afka Soomaliga ku hadasha. Taas oo aan loo kala eegayn qoqobaha Siyaasaddeed iyo caqabadaha kala aragtiyeed ee hadda jira. Hadday tahay Jabbuuti,Somaliland,Maamul Goboleedka Puntland, Dhulka Soomaalidu degto ee Itoobiya, Soomaaliya iyo Dhulka ay Soomaalidu degto ee Kiiniya intaba..Hadaba anoo u daadagaya dulucda Farriintayda oo ku socota dhalin yarada, iyo wax garadka kale ee madasha fadhiya oo aan ka rajaynaayo inay farriinta u gudbin doonaan inta aanay u suura galin inay ka so qayb galaan Madasha. Haddii aan wax yar u soo qaato tusaale, anigoo ah muwaadin reer Somaliland ah nafteyda, dhalinta Reer Somaliland iyo qaybtii ay ka qaateen nabadaynta beelaha. Iyo Adeegsiga hal abuurka iyo suugaanta.” Waxaanu Faysal u jeediyay dhalinyarta Soomaalida inay meel uga soo wada-jeestaan kaalintooda kaga aaddan amniga iyo nabadgelyada, isla markaana ay ka tagaan qabyaaladda.

Waxa kale oo uu Faysal halkaa ka tiriyay Maanso uu ku dhiirigeliyay Dhalinyartii goobta joogtay.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Xasan Ciise Cali Kuuriya oo ah suugaanyahan, isla markaana ah suxufi ruug-caddaa ah oo markii hore aad ugu dheeraaday kaalinta ay abwaaniinta iyo fanaaniinta ka gali karaan nabadda, waxaanu sidoo sheegay in derajada abwaan ay mid aad qiimo weyn u leh, isla markaana ay ka sarrayso, kana qoto dheer tahay in la siiyo qof dhawr eray amaba hal hees tiriyay, halka uu faysalna ku raacay.

Sidoo kale, waxa isna halkaa ka hadlay Maxamuud Goox Qarboosh oo ka mid ah fannaaniinta Soomaaliyeed ayaa ku dheeraaday muhiimadda ururkan iyo baahiyaha taagan ee dhinaca Fanka.

Axmed Sheekh Cali (Buraale) oo ah Dhaqan-yaqaan iyo qoraa oo isna ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay, ayaa ka hadlay muhiimadda Suugaanta ee dhinaca nabadda. “In nabad la dhaliyo waxay u baahan tahay af iyo addin, suugaantuna dhinaca afka ayay qayb ka qaadan kartaa” ayuu yidhi Buraale. DSC05371.JPG

Dadkii kale ee iyana halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa, Cali Cabdi Geelle, Faadumo Macalllin Abuukar, Maxamed Cilmi Dhicisoow, Xasan Garaad Warsame oo dhammaantood halkaa ka jeediyay Maansooyin la xidhiidha dulucda Munaasibadda ee nabadda iyo Suugaanta. Waxa kale oo iyana halkaa ka hadlay, Xasan Bulxan oo ah maansayahan iyo saxafi, Maxamed Xasan Kaatibi oo ku hadlayay Afka Ururka Dhalinyarta Kalsan ee ka hawl-gala Kenya iyo Garyaqaan Zakariye Maxamed Sheekh, kuwaas oo dhammaantood halkaa ka jeediyay khudbado dhiirigelin ah. Waxaanay dhammaan dadkii munaasibaddaa ka hadlay ay mahadnaq u jeediyeen dhallinyaradii ururka SAAC uga wakiilka ahaa qaban-qaabinta aqoon is weydaarsigaas kuwaasoo ay ka mid ahaayeen; Cabdi raxmaan taysiir Cabdifataax Cali Aadan, Muxyadiin Axmed Rooble, Sunni Siciid Saalax iyo Khadiija Ciise.

Ugu danbayntii ayaa intii dhammaan gacanta ka geysatay hirgalinta kulankaan waxaa mahadcelin u jeedisay guddoomiyaha ururka SAAC Saida Sheikh Ahmed oo sheegtay in ay hawlaha intan ka ballaaran doonaan Insha allah.

Comments

comments

About Editor

Abdullahi Mu'min is the Editor in Chief of www.Bartamaha.com and a Contributor to Wargelin Show. Mu'min is a Young and talented Somali Journalist.
Category : Madadaalo | Entertainment, Photos, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: