Ururka Fanka iyo Dhaqanka SAAC oo markii ugu horreysay Muqdisho ugu qabtay 30 saxafiyiin ah kooras barashada film samayntata iyo
Ururka Fanka iyo Dhaqanka SAAC ayaa shalay 30 saxafiyiin ah ugu soo xiray magaalada Muqdisho kooras ku saabsan barashada film sameynta iyo sawir qaadista.
Kooraskan ayaa ahaa mid horudhac ah oo sii socon doona illaa la abuuro dhallinyaro gabdho iyo wiilalba leh oo xirfad u leh samaynta filimada iyo sawir qaadista, waxaana loogu talo galay in lagu soo saaro dhallinyaro badan oo xirfaddan leh muddo saddex sano ah.
Furitaanka kooraska ayaa waxaa ka warbixisay macnaha iyo ujeedadiisa xiriiriyaha ururka SAAC ee geeska Afrika Marwo Xaawo Maxamuud Cali Xaawo kiin, faah faahinna ka siisay dhallinyaradii loo qabtay iyo ururada bulshada ee ku sugan Xamar.
Kooraskaan oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa waxaa si weyn uga hadashay Leyla Maxamuud Cabdulle oo ku hadleysay magaca Ururka Haweenka Suxufyiinta ah ee SAWJA iyadoo sheegtay in uu yahay kooraskan mid si weyn loogu baahi qabay.
Waxaa sidoo kale kooraskaan macnaha uu u yeellan karo dhallinyarada reer Muqdisho ka warbixissay Fartuun Xasan Zobral oo ka mid ah Ururka Somali Women Development Center.
Dhammaan dhallinyaradii ka qeyb gashay kooraska ayaa aad usoo dhoweeyay una mahadceliyay ururka isku soo xil saaray hawshaan adag, isla markaana kula dardaarmay in la sii joogteeyo.
Ugu danbeyntii Saida Sheikh Ahmed oo ah madaxa ururka SAAC oo warbaahinta la hadashay ayaa u mahad celisay dhammaan maamulka SAAC ee geeska Afrika juhdiga iyo dedaalka ay galiyeen qabsoomidda hawshaan culus oo ay ku sheegtay in ay niyad wanaag ka qaadday, isla markaana kor ugu qeylisay Xamar cadde ma illoobin xuddunteydaa ku duugan.
Comments
comments