Calendar

Ururka Dhaqaatirta Carabta oo bilaabay in ay soo arruuriyaan Gargaar loogu talla galay Soomaaliya

Beirut (www.Bartamaha.com):- Ururadda dhaqaatiirta carabta ee ka dhisan dalka Lebanon ayaa arbacadii bilaabay olalihii ugu ballaarnaa ee lagu caawinaayo Soomaalida. waxana ay ka soo aruurinaayaan bulshadda ku dhaqan magaaladda Xeebta ee koonfura Lubnaan wax kasta oo ay siinayaan Dadka Abaaraha ay ku heestaan Soomaaliya.
Qiyaastii 3.7 million oo qof oo ku nool Soomaaliya ayaa u baahan gargaar degdeg ah, waxana ay qayb ka yihiin Maliaayin qof oo nuul wadamadda Djibouti, Ethiopia, Kenya iyo Uganda kuwaas oo ay ku dhufatay abaartii ugu balaarneed mudo 60-sano ka dib Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu daran ee ay ku dhufatay abaarta.
Si kastaba, wadamadda carabta iyo kuwa islaamka ayaa wadda olale la mid ah kuwa ka socda wadanka Lubnaan oo loogu caawinaayo Soomaaliya.
W/D:Xafiiska Wararka Wararka www.Bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: