Calendar

UNPOS iyo Saraakiil Dowladda Mareekanka ah oo shir la qaatay Ganacsadata xaafada Islii ee magaaladda Nairobi.

DSC08109

Bartamaha (Nairobi):- Xafiiska Siyaasada ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya ee marka magacisia la soo gaabiyo loo yaqaan UNPOS iyo Safaaradda dowladda Mareenka ee Nairobi qeebta qaabilsan Soomaaliya ayaa shir la yeeshay qaar ka mid ah ganacsadata xaafadda Islii ee magaaladda Nairobi iyadoo ujeedka shirka uu ahaa in Ganacsatada wax laga waydiiyo shirka Dhawaan Magaaladda Istanbul ka dhici doono loogana hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Shirkan oo ka dhacay Hotel Barakat ee Magaalada Nairobi ayaa ahaa mid la isku weedeersanayay Fikrado ku saabsan Ganacsiga Soomaalida guud ahaan iyo midka Soomaalida ah dalka Kenya.

Shirkan ayaa daba socda shir ay UNPOS iyo Dowlaada Mareekanka ay Ganacsato Soomaali ah ay kula kulmeen magaalooyinka Dubia iyo Djibouti si loogu gogal xaari shirka dhawaan ka dhici doona magaaladda Istanbul ee dalka Turkey loogana hadlanayo Nabadda iyo Ganacsiga Soomaalida.

Ganacsatadii shirkan ka soo qeyb galay ayaa intooda badan isku raacay in Ganacsiga Soomaalida uu ku jiro xalis haddii aan wax badan laga qaban xaaladda sii xumeeneeysaa ee dalka Soomaalia iyagoo qaar ka mid ah Ganacsadata ay tilmaameen in Qaramada Midoobay iyo Dowladda Mareekanka ay dowladda Soomaaliya iyo shacabka Soomaaliyeedba ay ka caawiyaan sidii loo aqbali lahaa Baasboorka Soomaaliga si ganacsatada Soomaaliyeed ay u helaan fursado ay ku sahraan.

Jessica Davis oo shirkan ka soo qebgashay ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in ay ganacsadata Soomaaliyeed ay taageeraan shirkan iyado tilmaamay in ay dareesantahay in shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Ganacsatada ay heli doonaan Maalgashi wanagsan haddii dalkooda Soomaaliya ah ay nabad ka jiri laheyd.

Ugu danbeyntii shirka waxa uu ku dhamaaday jawi wanagsan iyadoo Ganacsatadii ka soo qeybgashay shirkan ay codsaned in shirkan oo kalle loo qabto kadib marka uu dhamaado shirka Stanbul si ay ooga wada hadlaan wixii ka soo baxay shirka.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

Xafiiska Bartamaha, Nairobi,Kenya

DSC08112

DSC08109

DSC08108


Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: