Calendar

Marxuum Shiikhaaloow oo Baroordiiq weyn loogu sameeyay Birmingham.

IMG_2466 copy

Bermingham 01/06/2010:Waxaa magaalada Bermingham lagu sameeyay xus baroordiiq  weyn oo lagu xusuusanayay allaha u raxmadee marxuum Mohamed Hussein Ali oo ku magac dheeraa ‘’Shiiqaaloow’’  islamarkaana loogu duceenayay marxuumka oo sabtii dhawayd ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Marxuum Mohamed Hussein Ali’’Shiiqaaloow’’ waxaa lagu xasuustaa inuu ahaa nin si weyn uga soo dhaxmuuqan jirey garoomada magaalada Muqdisho taageero badana ku dhax lahaa bulshada isboortiga islamarkaana ahaa macalin xariif ku ah kubada cagta ayna ka baqi jireen daafacyada iyo goalhayayaasha  kooxaha oo dhan, taasna waxaa u sii dheeraa dabeecad wanaag iyo insaanimo sida ay ii sheegeen dadkii yaqaanay, wixii ka dambeeyay burburkii dalka waxaa uu ku noolaa magaalada Muqdisho wax qiimeyn ahna kama helin kuwa sheegta inay maamulaan isboortiga dalka sida XSKC iyo GOS-ba, laakinse bahwaynta Isboortiga Soomaaliyeed meel kasto ay ku nool yihiin waxay si weyn uga naxeen geeridiisa hadaba magaalada Bermingham.

IMG_2408 copy
Bahwaynta kubadda kolayga Isboortiga Soomaaliyeed ee  degan magaalooyinka Bermingham, Liecester, London, Manchester iyo Liverpool oo ka koobnaa macalimiintii iyo ciyaartooydii hore ayaa ka soo qayb galay munasabadaan qiimaha leh, kuwaasoo kale ahaa:

Osmanshiis,BashiirGurey, ,Black,Abdiweli,Laas,C/raxmaan Labis,Qardaas, Mohamed Hagi Jumcaale,Abukar Doroos,Macalin Laas,C/raxmaan Labis, Qardaas, Salah’’Madaxa Liverpool Somali Umbrella’’, Garsoore C/qaadir Caddaay,Ahmed Elmi,Hasan Farah’’macalin John’’,C/qadir Garwayne,Shariifka,C/qani jeenyo iyo Xaawo Taako.

Dhanka kale ciyaartooydii hore ee Kubadda cagta ayaa goobta soo camirey sida C/qadir Ciise ‘’Biyooley, Jaalle Biriq,Cadde Suufi iyo marti sharaf kale oo badan sida Gudoomiyaha WPSC Mohamud Ingiriis iyo Mohamed.

Waxaa kale ka mid ahaa dadkii kale oo ka soo qayb galay baroordiiqda garsoorayaal kubadda kolayga iyo kubadda cagta oo degan dalka Ingiriiska, kuwasoo kale ahaa magacyadooda:

Mohamed Hassan Ganey,Abdulahi Mohamed Ahmed ‘’Canter’’,Mohamed Hagi Jumcaale,Abdi Alasow Raage,Osman Gurey iyo C/qaadir Caddaay.

Ciyaar saaxiibtinimo oo kubadda kolayga oo lagu maamusayay marxuumka ayaa garoonka Bermingham City University isaga hor yimaadeen labo kooxood ee kale ah London Vs Bermingham, kuwasoo ay ka dhaxmuuqdeen qaar ka tirsanaan jirey ciyaartooydii kooxaha heerka kowaad iyo xulka kubadda kolayga Soomaaliya barisamaadkii, iyadoo ay garsoorayaal ka ahaayeen Garsoore Cartan iyo Garsoore Mohamed Hagi, halka Score u qorayay Gudoomiyaha Puntland Sports and Culture mudane Bashiir Gurey oo isna ahaanjirey ciyaartooydii kubadda koleyga dalka Soomaaliya.

Ciyaartaas oo ahayd ciyaar aad u xiisa badnayd ayaa waxay labada kooxood muujiyeen ciyaar wanaag farsamadeedu aad u heer sareysay.

Kooxda London ayaa waxaad moodaa inay aad ay adeegsanayeen waayo aragnimadooda, ciyaartooyda kooxda London  u dheeshay ciyaarta waxay ahaayeen:

Macalin John,Mohamed Sheekh,C/qaadir  Garweyne,Abdulahi Abshir,Abdihakiim,Abukar iyo Cabdi Jabaar iyadoo macalina u ahaa macalin Shiine Guhaad, halka kooxda Bermingham ay u badnaayeen ciyaartooy da’yar marka laga reebo Ali Gurey, Nuuradiin oo ahaa laacibiin Qaran.

Ciyaarta waxay ku dhamaatey 60 & 61 oo ay guusha ku raacday kooxda London, kuwasoo dhaliyay in ku dhaw 10 / 3 point, intii ciyaarta socotey waxaa  qadar daqiiqado ah la istaajiyay ciyaarta si loogu duceeyo marxuum Mohamed Hussein Ali’’Shiiqaaloow’’ Allaha u raxmadee .

Kadibna waxaa Qado sharaf iyo sagootinba loogu sameeyay dadkii ka soo qayb galay munaasabadaan qiimaha badan lahayd maqaayada Salaama iyo Banadir Caffe oo yaal duleedka magaalada Bermingham.

Bahwaynta Isboortiga jaaliyada  magaalada Bermingham soo qaban qaabiyaha barnaamijkaan Mudane Mohamed Hagi Jumcaale oo ahaan jirey garsoore kubadda kolayga dalka Soomaaliya hadane ah ku xigeenka XSKK ayaa dadkii ka soo qayb galay uga mahadceliyay ka soo qayb galka munaasabadatan islamarkaana sheegay inay muhiim tahay in dadka isboortiga isku yimadaan kana qayb qaataan sidii bulshada la iskugu xiri lahaa islamarkaana meel looga soo wada jeesan lahaa sidii caruurta Soomaaliyeed wax loogu qaban lahaa.

Waxaa isna meesha ka hadlay isagoo ku hadlaya dadkii ka soo qayb galay baroordiiqda iyo magaca bahweynta isboortiga guud ahaan goalhayihii kooxda Horseed iyo xulka Soomaaliya mudane C/qaadir Ciise Biyooley oo ka hadlay taariikhdii marxuumka islamarkaana tacsi u direy qoyskii iyo caruurtii marxuumka, iyadoo la isla qaatey in lacago la iska qaado si shaqsana loogu diro tacsida iyo agoonta marxuumka ka tagey.

Dadkii meesha ka hadlay waxay kale ahaayeen garsoorayaashii, macalimiintii, maamulayaashii iyo ciyaartooydii hore ee dalka Soomaaliya sida

Mohamed Hagi Jumcaale,Abukar Doroos,Macalin Laas,C/raxmaan Labis, Qardaas, Salah’’Madaxa Liverpool Somali Umbrella’’, Garsoore C/qaadir Caddaay,Ahmed Elmi,Hasan Farah’’macalin John’’,C/qadir Garwayne,Shariifka,Cadde Sufi,C/Qadir Ciise,Biyooley,C/qadir Biriq.

Kuwasoo soo jeediyay dhamaantood in loo kaco sidii dhalinyarada iyo caruurta wax loogu qaban lahaa islamarkaana xusay in loo baahan yahay dadkii aqoonta isboortiga lahaa ay dib isku abaabulaan, wada tashiyo kale duwan yeeshaan kadibna wax baraan jiilka cusub ee isboortiga horboodaya si bulshada uga baxdo jahwareerka.

Ugu dambayntii waxaa la iska qaaday sawiro xusuus ah iyo iyadoo lagu balamay in mar kale la iskugu yimaado magaalada London laguna martiqaado dhamaan bahwaynta kubadda kolayga dalkaan ku nool sida ugu dhaqsaha badan.

Farxad iyo waayo waayo in laga sheekaysto ayay ahayd maalintaas islamarkaana bahwaynta isboortiga Soomaaliyeedna waxay dhamaantood ka muuqatey marka ay hadlayaan in laga gudbo kale qaybsanaanta, wax walbana lagu saleeyo aqoon iyo is tixgalin gacaltooyo leh lagana baxo isbarbar yaaca, meelna looga soo wada jeesto kuwa isboortiga ka dhigay wax lagu shaqaysto oo aan qiima lahayn.

Bahdabasketball-ka UK ayaa moodaa inay ka gudbeen khilaafyo ku kale dhax jirey markii hore kadib markii ay isla garteen inaysan haboonayn inaysan ku kale tagin wax dad kale dantoodu tahay balse isla qaatey in isku duubni looga gudbi karo wax walbo, Soomaaliya iyo Soomaaliduba u baahan tahay midnimo iyo wadajir.

Run ahaantii waxaa meesha iga soo baxay maalintaas in bahda Qurbajoogta Isboortiga Soomaalida ku nool dalkaan inay ka gudbeen  figradihii lagu kale qoqobayay markii hore, haatana ay doonayaan in caruurta Soomaaliyeed wax u qabtaan.

Ururka WPSC oo ka dhisan magaalada Manchester ayaa dadkii ka soo qayb galay kulankaan u sheegay inay magaaladooda ku qaban doonaan tartan kubadda koleyga caruurta da’doodu ka hooseyso 14 jirada, islamarkaana ay qorsheysteen inay kooxahooda ku soo biiriyaan kooxo Basketbal caruurta Soomaaliyeed lagu dhisaayo.

W/Q; Yusuf Yusuf

Sports editor of sspamedia

[email protected]

Bermingham

UK

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: