Ugu yaraan 40-qof ayaa ku dhintay dagaallo kooxo masiixiyiin ah iyo Muslimiin ku dhexmaray dalka Nigeria
Nigeria (www.Bartamaha.com):- Wararka ka immanaya magaaladda Joose ee dalka Nigeria ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalo mar kale ay ka qaxeen muslimiinta iyo masiixiyiinta dagan magaaladda.
Dowladda ayaa ciidamo u dirtay magaaladda si loo qaboojiyo waxa kaloo jirra goobo ganacsi oo dab la qabadsiiyay. Urur ay lee yihiin muslimiinta ugu weyn dalka Nigeria oo la yiraahdo Jamatu Nasril Islam, ayaa sheegay 22-xubnood oo ka tirsan in looga dilay daghaalka.
Labadii sano ee la soo dhaafay dagaaladda Magaaladda Joose waxa ku dhintay in ka badan 1,000 Muslimiin iyo masiixiyiin isugu jirta.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.