Calendar

Ugu yaraan 20-qof oo ku dhintay daadad waaweyn oo ku dhuftay dalka Nigeria

imagesAbuja (www.Bartamaha.com):-Inta la ogyahay 20-qof ayaa ku dhintay, daadadkan oo ay ka dhasheen roobab xoogga oo ka da’aya dalka Nigeria tan jimcihii horre, meelaha ugu daran waxa ka mid ah magaaladda Ibadan ee ku taala koonfurta waqooyi Nigeria.

Qof deganka ah ayaa u sheegay warsidaha AP magaaladda Ibadan daadadka inay waxyeelo xoggan u geesteen dhismooyinkii iyo buundooyinkii Magaaladan ayaa 150-km waxa ay u jirtaa waqooyiga magaaladda Lagos .

Dowladda Nigeria ayaa amar ku bixisay tobanaan kun oo qof in laga daad gureeyo koonfurta waqooyi ee dallkaasi ka dib markii daadaad xooggan ay ku dhufteen. Boqolaal gaadid ah ayaa la sheegay in ay ciladooween meelaha ay ku dhufteen daadka sidda wararka ay sheegayaan.

Nigeria khabiir ay ku tahay daadadka sanadkii horre ku dhawaad 500,000 oo qof ayaa siddan oo kale ay daadad ugu dhufteen kuwaas oo ku noolaa 36 gobal oo dalkaas ah waxana ku dhintay in ka badan 300 oo qof inta badan galbeedka iyo bartamaha ayay ku dhufteen.

W/D:Xafiiska wararka muqdisho www.Bartamaha.com

 

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: