Uganda oo Soomaaliya u soo diraysa ku dhawaad 3000 kun oo askari oo horleh
Ciidamada Cusub ee Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxaa la sheegay in ay gaarayan illaa 2,900 oo Askari kuwaas oo ku biiri doona Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM Soomaaliya.
Guutadaan Cusub ee Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxaa Hogaamin doona Brigadier Dick Olum, waxaana la filayaa in dhawaan ay soo gaaraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan Ciidamada Nabad ilaalinta ah ee AMISOM Soomaaliya.
Madaxweynaha dalka Uganda Yoweri Museveni ayaa xilli uu khudbad ka jeedinayay Meesha loo yaqaano Singo oo tababar uga soconayay Mudo Sadex Bil ah loogu soo gabagabeeyay Guuto Cusub oo ciidamada Uganda u soo dirayso Soomaaliya ayaa waxa uu kula dardaarmay Ciidamadaan Cusub ee Soomaaliya loo dirayo in ay lahaadaan anshax wanaagsan isagoona sheegay in ay Matalayaan dowlada Uganda iyo waliba Ciidamada Qaranka Uganda sidaa daraadeedna looga baahanyahay in Bulshada Soomaaliyeed ay kula dhaqmaan Anshax Wanaagsan.
Comments
comments