read more »">
Calendar

Uganda oo Ciidan Hor leh u soo direeysaa Somalia.

uganda-flagBartamaha (Nairobi)-Wasaarada Gaashaandhiga ee Wadanka Uganda ayaa shaaca ka qaaday in ay Ciidamo dheeri ah u soo dirayso Wadanka Soomaaliya,oo ay horay Ciidamo uga joogeen.

Mas’uul u hadlay Wasaaradda Gaashaadhinga ayaa cadeeyay in ciidan gaarana 1,700 askari ay u soo dirayan Somalia, Ciidankan oo ay tababar siinayeen mudooyinkii u danbeeyay saraakiil ka socotay Midowga yurub ayaa la rajeenayaan in ay dalka Somalia dhawaan soo gaaraan.

Mas’uulkan oo magaciisa qariyey ayaa intaas ku daray in ay Ciidamadani caawin doonaan kuwii horay Ugandha uga jooga wadanka Soomaaliya,waxaana la geyn doonaa goobo ka baxsan deegaanada ay Dawlada Kumeel gaarka ahi ku sugan tahay waqtigan.

War bixin lagu qoray Wargeyska New Vision ee kasoo baxa dalka Uganda ayaa waxaa lagu sheegay in qiyaastii 124-Askari oo katirsan Ciidamada Booliska ee dalka Uganda loo soo diray dalka Soomaaliya si ay u tababaraan Ciidamda Booliksa ee dowladda KMG qeybna ay uga noqdaan howlgalada Ciidamada Midowga Afrika ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya iyagoo ku shaqeenaya sida la sheegay sharciyada Ciidamada AMISOM.

Taliye sare oo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska ee Wadanka Yugaandha ayaa sheegay in ay Ciidamadani yihiin kuwii ugu tababarka wanaagsanaa ee in mudo ah loo taba baray wadanka Uganda,wuxuuna sheegay in ay Ciidankani khibradooda ku biirin doonaan Dawlada Jilicsan ee ku kooban deegaanada Muqdisho kamid ah oo ay ilaaliyaan Ciidamada Amisom.

Dalka Somalia waxaa jooga ciidamo ka socda Midowga Africa oo ka kala yimid dalalka Uganda iyo Burundi iyadoo la filayo in ciidamo kalle oo dheeraad ahan ay Midowaga Africa u soo diraan Somalia, Ciidamada Midowga Africa ee jooga Somalia ayaa inta badan ilaaliya Airport-ka, Dega iyo Madaxtooyadda Somalia.

Ibraahim Da’ud Abdalle
Xafiiska Bartamaha Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: