Uganda oo 2,000 Ciidan Dheeri ah u soo direyso Soomaaliya
www.Bartamaha.com (Kampala):- Madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni hayaa balan qaaday in uu soo diraayo 2,000 oo ciidan dheeri ah kuwaas oo ka qayb qaadan doona kor u qaadida amaanka magaaladda Muqdisho.
Yabooha Madaxweyanaha ayaa waxa uu yimid todobaad ka dib markii Ururka Al-Shabaab ay iskaga baxeen meelo muhiim ah oo ay ka joogeen caasimadda
Paddy Ankunda, oo ah Afhayeenka Ciidamadda Nabad ilaa limta Midowga Africa Soomaaliya (AMISOM), ayaa u sheegay Sabtida maanta wargeeska Daily Monitor ee ka soo baxa caasimadda Uganda ee Kampala in la kor dhin doono ciidamadda si look or dhiyo amaanka muqdisho, waxa kaloo uu sheegay in bilaabayaan qorshayaal labo ah, midka horre waa in ay howlgal laga hortagaa weerar ka dis ah oo ay soo qaadaan Shabaab.
“Ciidanka UPDF ma bixi doonaan maxaa yeelay xuriyadda Soomaaliya hadda ay bilaabatay. (al Shabaab waa ka baxeen Mogadishu waa hal waji , waxa haray haray labo waji wax ka badan.”ayuu ku sii daray Lt. Col. Paddy Ankunda
Ciidamadda Nabad ilaa linta Midowga Africa ayaa waxa cudud ballaaran ay siiyaan Dowladda KMG ah Soomaaliya, Ciidanka oo tiradiisu tahay 9,000 waxa kala socdaan wadamadda Uganda iyo Burundi waxana ay dagaallo ku jiraan ku dhawaad shan sano.
Madaxweyne Museveni’ ayaa siddoo kale ugu baaqay wadamadda ku midowga Africa in ay ka qayb qaataan amaanka caasimadda Soomaaliya.
Taliyaha AMISOM, Maj Gen. Fred Mugisha ayaa u sheegay wariyaasha todobaadkii hore Ururka al Shabaab wali in ay Qatar ku yihiin xasiloonidda Mogadishu marka waxa loo baahan yahay buu yiri ciidan dheeri oo ka qayb qaata gargaarka la siinaayo dadka baaraha ay ku hayaan soomaaliya.
Gen. Mugisha, ayaa yiri waa AU si degdeg ah ay ciidan gaaraya 3,000 ay ugu soo daabushaa goobaha ay baneeyeen al-shabaab
Golaha Amaanka QM ayaa si kastaba waxa ay horrey u ansixyeen 12,000 ciidan oo loo diro Soomaaliya laakin Midowga Africa waxa ay lee yihiin waxa loo baahan yahay 20,000 oo ciidan oo ah suga amaanka dalka geeska Africa ku yaala.
Dhoor wadan Africa ah oo ay ku jiraan Nigeria iyo Malawi, ayaa ku guul dareestay in ay ka dhabeeyaan balan qaadkoodii ahaa in ay ciidan u soo dirayaan Soomaaliya, maxaa yeelay arrinkaas waxa laga cabsi qabaa in ay waqti badan qaadato, kaliye wadamadda Uganda iyo Burundi ayaa u soo daabulay ciidan Soomaaliya.
W/D:Xafiiska Wararka Muqdisho www.Bartamaha.com)
Comments
comments