Calendar

Turkiga Oo Maanta uu ka Furmaayo Shir Looga Hadlaayo Arrimaha Soomaaliya.

9Istanbul:(www.Bartamaha.com):-Sida ay qortay wakaaladda wararka (Reuters) waxa maanta oo arbaca ah lagu wadaa in uu magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga uu ka furmo shirka Ururka Iskaashiga Islaamka kaa oo intiisa badan looga hadlaayo abaaraha ka taagaan Soomaaliya iyo siddii loo caawin lahaa Malaayin qof oo ku nool geeska Africa.

Shirka ayaa waxa furi doona Ra’iisal Wasaaraha Turkiga Rajib Tayyip Erdogan oo isaga iyo ehalkiisa maalinta barri soo baaqan doona magaaladda Muqdisho si ay u soo arkaan meelaha ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ee abaaruhu ay ku heeso qayb badan oo soomaaliya.

Waxa ka qayb galaaya shirka dhamaan xubnaha 57-wadan ee ku jira OIC,

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Ahmet Davutoglu oo ka soo laabtay wadamadda South Africa iyo Ethiopia ayaa sheegay dowladda Turkiga in ay wado olole ah ay kula tartameyso ganacsiga Africa wadamadda Shiinaha, India ama Brazil. Turkiga waa Dal Muslim ah oo Galaan gal ku leh Africa.

Horrey ayaa dowladda Turkiga waxa ay Muqdisho keentay gargaar loo wado dadka ku tabaaleesan caasimadda.

Afhayeen u hadlay Dowladda Turkiga waxa uu u sheegay wakaaladda wararka Reuters in bishan Ramadan ay qeer badan tahay in la caawiyo dadka dhibaateesan siddaa daraadeed ra’iisal wasaaraha iyo Ehelkiisa waxa aadi doonaa Soomaaliya” ayuu yiri Semih Idil.

Soomaaliya ayaa noqotay dalka ugu daran ee ku dhufatay abaarta ka taagan geeska Africa taas oo qarka u saartay 12-Million in ay u dhintaan Gaajo iyo Nafaqo daro.

W/D:Xafiiska Wararka Barmataha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: