Turkey: Waa in la furaa sunduuq lagu taagerayo ciidamada aamaanka
Dowlada Turkey ayaa ku baaqday in la taagero ciidamada amaanka Soomaaliya, xilli ay joogaan Turkey-ga wafdi uu hogaaminayo madaxweynaha Soomaaliya.
Turkey-ga ayaa ku baaqday in la furo sanduuq lacago loogu shubayo ciidamada amaanka si ay dib ugu hantaan amaanka Soomaaliya oo 20-sano ay ka jiren dagaalo sokeeye.
Soomaaliya iyo turkey-ga ayaa gaalay heshiis dhinac yo badan taabannaya oo amaanka ay ugu horeysay taas oo ay magalada Ankara ay ku kala saxiixdeen wasiirada gaashaandhiga ee labada wadan.
Turkey-ga ayaa sheegtey iney horey u taagereysay dib u dhiska Soomaaliya iyo gaar ahaan ciidamada amaanka oo sheegtey iney tababarada iyo dhaqaalaha ay ka taagerayeen.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jooga wadanka Turkey-ga halkaas uu kulamo kula yeeshay madaxda sarsare ee wadankaas oo xiriirka labada wadan ay ka wada hadleen, kalana saxiixdeen heshiisyo dhowr ah.
Comments
comments