Toogasho ka dhacay duleedka Magaalada Baardheere.
War hada soo dhacay oo naga soo gaaraya dhanka Gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan maleeshiyada Shabaab fal toogasho ah ay ka geysteen deegaano ka tirsan Gobalka Gedo.
Shabaab ciidamo ka tirsan ayaa waxaa la sheegay iney goojiyeen gaari marayay duleedka Magaalada Baardheere ee Gobalka Gedo gaari oo ka yimid dhanka Degmada Mandheere ee dalka Kenya islamarkaana ay saarnaayeen dad rikaab ah,waxaana ay kala degeen wadihii Gaariga.
Qaar ka mid ah dadka rikaabka Gaariga ayaa waxaa ay warbaahinta u sheegeen in Wadihii Gaariga marka ay la dageen ciidamada Shabaab ay bartii ku toogteen,hase ahaatee Gaariga ay ka xeeyeen dagaalyahano ka tirsan Shabaab islamarkaana rikaabka geeyay Degmada Baardheere oo ay kusi jeedeen.
Sababta maleeshiyada Shabaab ay u toogteen wadaha Gaariga ayaa waxaa la sheegay iney ka danbeysey kadib markii ay ku eedayeen inuu u jajuussayey Dowlada Kenya iyo Dowlada Soomaaliya maadama Shabaab labadaasi Dowladooda dagaal xoogan ay kula jirto qeybo ka mid ah Gobalka ay toogashada ka gesteen.
Ma ahan markii ugu horeysay oo kooxda Shabaab Maxkamad la,aan ay dad rayid ah sidaan u toogtaan,waxaana arintaan wal wal xoogan ay ku abuurtey shacabka degan goobaha ay maamulaan Shabaab.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.