Calendar

Tiro Burcad Badeed ah oo Xeebaha Soomaaliya lagu qabtay

AFP_090503pirates-nivose_8

Bartamaha (Nairobi):- Frigate Nivose oo ah Markab dagaal oo ay leedahay dawladda Faransiiska looguna tala galay la dagaalanka Burcad badeeda ayaa gacanta ku soo dhigay 35 Burcad badeed Somali ah kadib howl galo ay ka sameeyeen badweynta India.

Markabka dagaalka oo mudo dheer daba socday Burcadan ayaa qabtay, markii ay gudaha ugaleen biyaha caalamiga ah, oo ay aad uga fogaadeen biyaha Soomaaliya, sida lugu cadeeyey qoraal laga helay ciidamada jooga biyaha dalka Soomaaliya iyadoo arrintan ay noqoneeyso markii ugu horeeyay oo ay ciidanka dowladda France ka socda ay qabtaan tiradii ugu badneed oo Burcad badeed Somalia ah.

Saraakiisha Midowga Yurub iyo kuwa NATO ee ku sugan Biyaha Somalia ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha ay ka hayaan biyaha Soomaaliya, waxa ayna sheegeen in ay hada ka farakayaan halkii la geyn lahaa burcad Badeeda la qabtay, ee tirada badan, iyagoo tibaaxay in ay macquul tahay in lugu wareejiyo Maamulka Puntland,Dowlada Kenya ama dalal kalle dalal kale.

Maraakiibta Reer Yurub ayaa ujooga biyaha Soomaaliya, waxa ay ku sheegeen dagaalka looga soo horjeedo Burcad Badeeda Soomaalida, waxaana aan la garan Karin waxa ilaa hada uu soo kordhiyey howlgalkaasi, maadaama ay wali socdaan falalka burcadnimo.

Burcad badeeda Soomaalida ayaa dhawaan sii daayay Markab laga leeyahay dowladda Thialand iyadoo aanan la aqoon lacagta ay ka qaateen.

Ibraahim Da’ud Abdalle

[email protected]

xafiiska wararka ee Nairobi-Kenya

Comments

comments

About sayfudiin Abdalle

Am A Somali Journalist current live and study in Malaysia Southeast Asia.
Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: