Tiri kooba lagu sameeyay dadka ka barakacaya Soomaaliya oo sii kordhaya.
Iyadoo dagaalo xoogan ay maalmihii ugu danbeeyay ka soconayeen qaybo kamid ah magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ayaa waxaa si wayn uga soconaya magaalada, Barakac baahsan oo dadka rayidka ah ay uga cararayaan dagaaladaasi
Hay’ada Oxfom ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in dad aad u farabadan ay ka barakecen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka dhacay magaalada qaybo kamid ah iyadoo sheegtay in dad kabadan 70kun oo qof ay ka qexeen dagaaladii ugu danbeeyay ee ka soo cusboonaaday magaalada Muqdisho kuwaas oo u dhexeeya DKMG ee Soomaaliya iyo kooxaha mucaaradka
Hayada Oxfom ayaa sheegtay in dadkaasi ay ku suganyihin intooda badan degmada Afgooye ee shabeelada Hoose islamarkaana xaalado nolol xumo ay halkaasi ku haystaan
Bayaankan ayaa lagu xusay in isugaynta dadka qaxootiga ah ee gaaray degmada Afgooye sanadihii ugu danbeeya ay gaarayso 400 oo kun oo qof.
Dhanka kale, dagaaladaan mar kale saakay ka qarxay magaalada Muqdisho ayaa sababay in dadkii tirada yaree ee awalba danta u diiday in ay ka tagaan deegaanadooda ay haatan dib u bilaabeen in ay si daran uga barakacaan deegaanadooda ayagoo markaa miciin bidaya duleedka magaalda Muqdisho oo ay dayacanyihiin dad aad u fara badan oo horay u gaaray.
Dadka soomaaliyeed ayaa haatan xaaladood tahay quus ah ayagoo marba marka xiga lagu kor dagaalamo balse su’aasha meesha taala ayaa noqo doonto (YAA U MAQAN DADKA SOOMAALIYEED)?.
Mohammed Ibrahim Ayaanle
Xafiiska Bartamaha Ee Galkacayo
[email protected]
Comments
comments