Tiradda dadka ku dhintay weerar lagu qaaday xaley Salaadii Taraawiixda Masjid ku yaala Dalka Ciraaq oo sii korartay.
Baghdad (www.Bartamaha.com):- Waxa sii kor dhaya tidda dadka ku dhintay weerar xaley laguqaaday masaajidka Umal-Quraa ee ku yaala caasimadda dalka Ciraaq ee Baghdad.
Ugu yaraan 30-qof ayaa ku dhintay, 40-kalena waa ay ku dhaawacmeen, dadka dhintay waxa ku jirra Aabe iyo wiilkiisa oo shan sano jir ah kuwaas oo salaadii taraawiixda ku tukanaayay masjidka. Masjidka ayaa waxa inta badan ku tukda jamaacadda Suniyiinta.
Majiro illaa hadda koox sheegtay ama ka masuul ahaa weerarka xaley dhacay, laakin saraakiil u hadlay dowladda Ciraaq waxa ay sheegeen in looga shakisan yahay weerarka Kooxda al-Qaida in ay geesatay
Ra’iil wasaaraha Ciraaq Nouri al-Maliki war saxaafadeed uu ka soo saray maanta oo isniin ah xafiikiisa ayaa waxa uu ku yiri dowladda Ciraaq wax kasta oo ay kaga adkaanayso al-Qaida waa ay sameen doonysaa, isagoona tilmaamay in aan looga harri doonin kuwii geestay weerarka
Inta badan shiicadda iyo Suniyiinta dagta dalka ciraaq waa ay isweeraraan tan markii xididaha loo siibay xukunkii Sadaam Xuseen sanadkii 2003-da.
W/D:Xafiiska wararka muqdisho www.Bartamaha.com
Comments
comments