Tiiceey “ Ahlu sunnah guryahooda ayaan ugu tagaynaa hadii aanay xad gudubka joojin…..”.
Bartamaha (Cadaado):- Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb ayaa dhaar ku maray in ay deegaanadooda ay ugu tagayaan Ahlu sunnah hadii aanay joojin xadgudubyada.
Madaxweynaha Maamulka Ximin iyo Xeeb Maxamed Aadan Tiicey oo saxaafada la hadlayay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aanay mar danbe dagaal la’aan ka bixi doonin deegaanadooda islamarkaana ay iska difaaci doonaan weerar kasta oo ahlu sunnah ka yimaada.
Maxaamed Aadan Tiiceey waxa uu shaaca ka qaaday in dadka Soomaaliyeed ay xilli walba maqlaan xad gudub iyo deegaan dad aan u dhalan ay ku duulaan balse aanay xiligan u sii dulqaadan doonin weerar gardara ah oo dhankooda lagu soo qaado.
Masuulkan waxa uu sheegay in in Ahlu sunnah ay si gardara ah ay shalay ugu soo dulaan deegaanka Cadaado oo ah Xarunta maamulka Ximin iyo Xeeb.
Madaxweynaha Maamlka Ximin iyo Xeeb waxa uu sheegay in ay isaga bexeen magaalada markii duulaanka ay ogaadeen balse aanay dagaal toos ah la galin kooxda ahlu sunnah wal jamaaca.
Weerarkii shalay ka dhacay Degmada Cadaado oo kooxda ahlu sunnah ay ku qabsadeen Deegaankaasi ayaa waxa uu sabab ka dhigay in ay kala firxadaan dhammaan maamulkii Ximin iyo Xeeb kuwaasi oo qaarkodo ay magan galyo ahaan u gaareen Gal Mudug.
Madaxweynaha ayaa waxa uu sheegay in dhacdadaasi ay shalay ku dhacday si aan ku tala gal ahayn balse aanay marnaba u dulqaadan doonin weerar uga yimaada Ahlu sunnah.
Hadalka Ximin iyo Xeeb ka soo yeeraya ayaa imaanaya xilli shalay ay kala firxadeen xubnihii maamulkaasi wallow markii danbe ay xalay ku soo noqdeen Degmada Cadaado oo ahlu sunnah ay isaga baxday.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Bariga Afrika.
.
Comments
comments