Calendar

Telefishin loo furayo qaaradda Afrika.

African-channelBartamaha: Al qaara waa Talefishin ku hadli doona luuqadda Carabiga oo lagu bartilmaameedsanayo wadamada qaaradda Afrika.

Bishan Juun ee haatan bilawga ah ayaa lagu wadaa in qaaradda Afrika laga furo telefishin ku hadli doona luuqadda carabiga, kaasi oo diiradda lagu saari doono guud ahaanba waxyaabaha ka dhaca dalalka ku yaalla qaaradda Afrika.

Talefishinkan cusub ayaa lagu magacaabi doonaa Al qaara oo micnaheedu yahay qaaradda waxaana inta badan lagu baahin doonaa wararka iyo dhacdooyinka ka dhaca qaaradda Afrika.

Naguib Madaxa telefishinka iyo Sateliteka.

Naguib Qoweyla oo ah madaxa telefishinkan ayaa sheegay in talefishinkani uu noqon doono talefishinkii ugu horeeyay ee ku hadla luuqadda carabiga kaasi oo diiraddda lagu saari doono arimaha siyaadda, dhaqanka, dhaqaalaha iyo nolosha ka jirta guud ahaanba dalalka qaaradda Afrika.

Talefishankani ayaa lagu wadaa inuu ka baxo sateliteka Badar -6 (26E)  iyadoo xaruntiisuna ay noqon doonto Jaziiradda Mauritius halka uu sidoo kale xafiis ku yeelan doono magaalada Paris ee xarunta dalka Faransiiska.

Maxamed Calam, laanta saxaafadda Jaamacadda Qaahira.

Maxamud Calam oo madaxa laanta saxaafadda ee jaamacadda Qaahiro ee dalka masar ayaa goor hore u sheegay in mashruucaasi uu gabgaabo marayo islamarkaana goor dhaw la bilaabi doono talefishinkaasi, waxa uuna Calam carabka ku dhuftay in arintani ay ka dambaysay kadib markii ay mashruucani diyaariyeen qaar kamida wasiirada saxaafadda ee dalalka qaaradda Afrika.

Dhinaca kale warar ay horey u baahiyeen qaar kamida warbaahinta ayaa sheegayay in telefishinkan lagu magacaabo Al qaara uu ka dhashay dadaal lagu doonayo in lagu soo bandhigo xiriirka horumarka sameynaya ee wadamada qaaradda Afrika, Bariga dhexe iyo dalalka khaliijka u dhaxeeya.

Loolanka qaaradda iyo warbaahinta.

Qaaradda madaw ee Afrika ayaa waxay u muuqataa mid ay inta badan ku loolami jireen wadamada galbeedka gaar ahaana dalalka Mareykanka iyo Britain marka aad fiiriso dhaqdhaqaaqyada warbaahineed ee ay labadaasi waddan ku bartilmaameedsanayeen inta badan dalalka soo koraya oo ay qaaraddu safka hore  uga jirto.

Iyadoo inta badan wararka iyo barnaamijyada dalalka soo koraya ay laamo gaara u sameeyeen idaacadaha BBC iyo VOA oo labadooduba laga leeyahay dalalka galbeedka gaara ahaana Briatin iyo Mareykanka.

inkastoo inat badan barnaamijyada ay ugu talogaleen dalalka soo koraya ay u baxaan qaab idaacadeed iyagoo ka baxaya hirarka gaagaaban iyo hirka Fmta ayaa haddana Telefishinada BBC iyo VOA waxaa ka baxaa barnaamijyo gaar ah oo looga hadlo dalalka qaaradda Afrika amaba barnaamijyo gaar ah oo loogu talo galay Afrika (Africa Edition).

Sidoo kale waxaa qaaradda Afrika laga daawadaa Telefishinada CNN (Cable News Network) iyo labada Channel ee Telefishinka Aljazeera qeybta Af carabiga iyo qeybta afka ingiriisiga ee xaruntiisa ugu weyni ay ku taallo magaalada dooxa ee dalka qadar.

Telefishinkani Al qaara ayaa waxa uu noqonayaa mid caalamiya oo inta badan laga daawado wadamada caalamka waxaana diiradda lagu saari doonaa dhacdooyinka qaaradda ee loolanka badani loogu jiro oo aad haatan mooddo iney carabtuna dhakooda kasoo galeen inkastoo dad badani ay ka shaki qabaan in mashruucani ay wax ka og yihiin muwaadiniin u dhashay waddanka faransiiska oo kamida dalalka reer yurub ee horseedka u ahaa warbaahinta caalamka.

Warbaahinta Afrika ayaa maalmahan dambe sheegayay in fikradda lagu unkayo telefishinkan Al qaara ee ku hadlaya luuqadda carabiga ay ka timid soo saarayaasha kala ah Selven Naidu oo horey u ahaan jirey madaxa telefishinka Mauritius Najib gouiii iyo Piere Fauque.

Ma cadda waxa uu telefishinkani qaarradda kusoo kordhin doono balse waxaa la xaqiijiyay iney wariyayaal ku yeellan doonaan inta badan gobolada qaarradda Afrika, sida waqooyiga, galbeedka, bartamaha bariga iyo waliba koonfurta qaaradda Africa.

Muhiimadda Qaaradda Afrika.

Qaaradda Afrika waa qaaradda labaad ee ugu ballaaran caalamka marka laga soo taga qaaradda Aasiya waxaana lagu sheegaa iney Afrika ku fadhido 30.2 milyan oo Km² oo u dhiganta 11.7 milyan Square Mile Marka lagu daro dhulalka Jaziiradaha ah ee ku yaalla qaaradda Afrika waxaa la sheegaa iney qaarradu ku fadhido 6% oogada dhulka.

Afrika waxaa ku nool dad gaaraya hal bilyan tirikoobkii ugu dambeeyay ee la sameeyay sanadkii 2009 waxaana Afrika ku nool in ku dhaw 15% tirada guud ee dadka dunidan ku nool .

Qaaradda Afrika waxaa ku yaalla 54 dawladood oo ay ku jiraan Jaziirado dhawr ah oo ay Madagascar ugu weyn tahay in ku dhaw 53 dawladood oo kamida dalalkaasina waxay xubno ka yihiin ururka midawga Afrika.

Waxaa qoray Cabdiqafaar Shire.

Bartamaha Nairobi.

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: