Tarzan oo waayay xildhibanimadii
Maxamed Axmed Nuur Tarzan oo ah gudoomiyaha iyo duqa magalada Muqdisho ayaa waayay xubin nimadii baarlamaanka.
Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Cusmaan Jawaari aytaa sheegay in Tarzan uusan isku hayn Karin labo xil sidaas daradeedna uu ku waayay xildhibanimadii.
“Mudanaha ka tirsan baarlamaanka ma qaban karo xil dowladeed oo aan ka ahayn wasiirnimo,” ayuu yiri afhayeenka baarlamaanka.
Booska Tarzan ayaa waxa lagu badalay Dr- Cusmaan Xaaji Maxamed (Dufle) isagoona horey ugu mid ahaa baarlamaanadii KMG ee dalka ka jirey, waxana uu yahay Dr ka howl gala magalada Muqdisho isla markaane ah barre jamacadeed.
Comments
comments
Category : Wararka Maanta.