Tarzan:- Dhul aan bixiyey iyo deyn lagu leehyahay maamulka lama maqlayo
Gudoomiyaha ahna duqa magalada Muqdisho Maxamed Axmed Nuur Tarzan ayaa sheegay ineysan jiri doonin dhul ay leehdahay dowlada uu siinayo dad ama dhaqaalo lagu yeelanayo maamulka gobolka marka uu ka tago xilka.
Waxa uu ka hadlayay banaanbax ka dhacay magalada Muqdisho oo lagu taagerayay xukuumadda cusub isagoona Tarzan uu sheegay inuu diyaar u yahay inuu wareejiyo xilkiisa marka ay dowlada qof kale usoo magacawdo.
“Annigu haddii Alle idmo aan ka dago xilka, labo arimood iiguma imaneysiin,.. labo arimood kama tagi doono; dhul dawladeed oo uu Tarsan bixiyey [Si sharci daro] iyo deyn gobolka lagu leeyahay oo cid sheegeysa inay deyn ku leedahay gobolka ma dhici doonto” ayuu yiri gudoomiyaha oo ka hadlayey banaanbaxii shalay.
Maxamed Axmed Nuur Tarzan waxa uu waayay dhawaan xubinimadiisa xildhibaanimo maadamo uu siiyay hayay xilka Duqa Muqdisho iyadoona qof xildhibaan ah uusan qaban Karin xil kale oo ka ahen wasiirnimo, waxana lagu badalay Dr. Cusmaan Xaaji Dufle.
Hadalka Gudoomiyaha Gobolka ayaa kusoo aadaya xilli ay jirtey hadal heyn ku aadan in xilka laga qaadi doono oo madaxweynaha dowlada Soomaaliya Xasan Sheekh uu booska usoo magacaabi doono qof kale oo jagadaasi qabta.
Maxamed Axmed Nuur Tarzan waxa uu kamid ahaa dad qurba joogta ee dalka dib ugu soo laabatey markii ay maxkamadaha qabsadeen isagoona markii ciidamada Itoobiya soo galeen Soomaaliya ahaa qof si weyn uga soo horjeeday oo u olaleynayay sidii dalka looga saari lahaa.
Tarzan ayaa kamid noqday qeybo kala duwan oo bulshada rayidka iyo siyaasiyiin iskugu tagtey magalada Asmara ee wadanka Eretaria halkaas oo ku sameysnteen uururkii ARS markii danbane waxa uu kamid ahaa xubnihii heshiiska la galey dowladii KMG waxana uu noqday xubin ka tirsan baarlamaanka.
Walow ay mar isku dhaceen madaxweynihii hore Shariif Sh. Axmed adane markii danbe waxa la sheegay iney heshiiyeen isagoona u magacaabay xilka gudoomiyaha iyo duqa Muqdisho oo ilaa hada uu hayay.
Comments
comments