Tarsan “Shabaab iyo Xizbul Islaam waa in ay Dowlada isku soo dhiibaan….”.
Bartamaha (Muqdisho):- Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ugu baaqay Alshabaab iyo Xizbul Islaam in ay saacada gudahood Dowlada isku soo dhiibaan si dhibaatada shacabka looga dul qaado.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa waxa uu shabaabka iyo Xizbul Islaam ugu baaay in ay hubka isaka dhigaan islamarkaana ay Dowlada isku dhiibaan si shacabka loo badbaadiyo.
Tarsan waxa uu sheegay in Kooxaha dagaalamaya ay yihiin caruur,dhalinyaro iyo dad maskaxda dhamaan laga qada qalday oo aan aqoonin dantooda iyo halka ay ku dhimanayaan taasi oo uu ku tilmaamay nasiib daro weyn.
“Shabaab iyo Xizbul Islaam waa in ay Dowlada isku soo dhiibaan… waxaan leeyahay caruurta la qalday Hubka iska keena oo qalinkan qaata iskana daaya meesha qaldan iyo wadada dulinimada ah ee aad ku dhimanaysaan….” ayuu Tarsan si cara leh u yiri.
Sidoo kale Gudoomiyaha waxa uu xusay in dhalinyarada dhiigooda lagu doonayo in mele sare lagu gaaro isagoo sheegay in aanay arkin nin masuul muuqda ah oo ku dhimanaya dagaal ama dagaalka soo galaya taasi oo uu tusaale ahaan u mujiyay dhalinyarada shabaabka uyto Xizbul Islam oo farintan uu u dirayay.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir waxa uu dhanka kale shacabka Muqdisho ugu baaqay in aanay isku halaynin Ciidanka Dowlada balse ay meel iska saaraan Kooxahan doonaya dhibaataynta shacabka isagoo farta ugu fiiqay muhiimada dagaal ay shacabka bilaabaan.
Masuulkan ayaa hadalkiisa waxa uu imaanayaa xilli Dowlada ay awoodeeda sii yaraanayso oo qarka ay u saarantahay in ay wayso gacan ku haynta xaafado badan oo ku dhow madaxtooyada Soomaaliya iyo wadada kaliya oo ay maraan Madaxda.
Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika
Comments
comments