Calendar

Talyaaniga oo sheegay Boqolaal Kun oo Muhaajiriin African ah oo ku jirra Soomaali in ay soo gaareen Jasiiradda Lampedusa

lampedusa-171-clandestini9(Lamduusa: www.Bartamaha.com) :-Sida ay baahiay maanta oo Arbaca ah wakaaladda wararka Talyaaniga ee ANSA, ku dhawaad 2,500 oo ah dad African ah ayaa seddaxdii maalmood ee la soo dhaafay waxa ay gaareen Jasiiradda Lamduusa ee dalka Talyaanga.

Talaadadii kaliye waxa gaaray lamduusa ilaa 450-qof sidda ay sheegeen ilaa ladda Xeebaha iyo Pooliska Talyaanig

Muhaajiriintii ugu dambeeyay waxa loo qaaday xero ay dagan yihiin ilaa 1,180 qof.

Tan iyo bilowgii February sanadkan waxa gaaray Lamduusa tiradii ugu badnaa ee muhaajiriin ah kuwaas oo ka immanaya dalka Libya.waxana ay gaarayaan ilaa 40,000 oo qof.

Afhayeen u hadlay hay’adda QM u qaabilsan arrimaha qoxootiga UNHCR Adrian Edward ayaa suxufiyiinta ugu sheegay magaaladda Genava in 2,000 oo muhaajiriin ah ay yimaadeeen Lampedusa todobaadyadii ugu dambeeyay kuwaas oo ay ka soo cararay Libya iyo Tunisia

Dadkan ugu dambeeyay ee gaaray xeebaha Talyaaniga waxa ay ka soo kala jeedaan wadamadda Somalia, Nigeria, Bangladesh, Côte d’Ivoire, Chad iyo Sudan.

Si kastaba, horaantii bishan , ayaa 25-qof ay ku dhintay ka dib markii dooni ay la socdaan boqolaal qof ay ku degtay xeebaha Lampedusa. I

Doonida ayaa waxa ay ka soo shareecatay dalka Libya. waxana saarnaa ilaa 300 oo muhaajiriin ah.

W/D:Xafiiska Wararka www.bartamaha.com Muqdisho Soomaaliya

Comments

comments

Category : Wararka Maanta.
« »

Comment: