Calendar

Taliyihii Alshabaab ee Degmada Dhoobley oo la Dilay.

SOMALIA/Bartamaha (Kismaayo):-Taliyihii Cidiamada Kooxda Alshabaab Degmada Dhoobley ayaa Xalay Koox hubaysan ay ku khaarijiyeen gudaha Magaalada Kismaayo.

Koox aan la garan ayaa Xalay waxa ay rasaas la beegsadeen Taliyihii Ciidamada Alshabaab Degmada Dhoobley Daa’uud Cali Xasan xilli uu ku sugnaa Gudaha Magaalada Kismaayo.

Dilka ayaa waxa uu dhacay ka dib Salaadii Cishaha xilli uu Sargaalkaasi ku sugnaa meel Shaahiga laga Cabo oo ku taala Bartamaha Magaalada Kismaayo Ee Gobolka Jubada Hoose.

Daa’uud Cali Xasan ayaa waxa uu ahaa Sargaal ka dhex muuqaday Alshabaab Jubada Hoose waxa uuna dhawaan ka soo tagay Dhoobley oo dhaawac uu ka soo gaaray dagaal halkaasi ay kula galeen Ciidamada Sheekh Axmed Madoobe.

Kooxda khaarijisay Sargaalka ayaa waxa ay ahayeen 4-dhalinyara ah oo wadatay Bistoolado kuwaasi oo xilliga ay dileen ninkaasi ka qaatay Bistooladuu watay ka dibna ay isaga tageen goobta ay ku dileen.

Ciidamada Alshabaab ayaa waxa ay ku soo bexeen goobta uu dilka ka dhacay iyagoo sameeyay baaritan fashil ku dhamaaday maadaama aanay ku guulaysan qabashada Kooxda dishay ninkaasi ahaa Sargaalka Muhiimka ah.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, Wararka Maanta.
« »

Comment: