Calendar

Taliye ku xigeenkii Howlgalinta Ciidamada Somaliland oo Xalay la toogtay.

DILTOOGASHOBartamaha (Laascaanood):- Kooxo aan la garan ayaa waxa ay xalay dileen Taliye Xigenkii Laanta Howlgalinta Ciidamada Somaliland xilli uu ka soo baxay masjid ku yaalay Magaalada Laas-Caanood.

Wararka naga soo gaaraya Laas-Caanood ayaa sheegaya in Koox hubaysan ay toogasho ku dileen Taliye Xigeenkii Howlgalinta Ciidamada Somaliland Col.Cusmaan Faarax Cali ‘Suxufi” kaasi oo la dilay xilli uu masjid ka soo baxay.

Kooxda dilka u geystay Faarax Suxufi ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen Bistoolado iyadoo xiliga ay toogashada geysteen ka dib ay isaga carareen goobta ay sargaalkaasi ku dileen.

Dilka ayaa dhacay xalay fiidnimadii ka dib salaadii cishaha iyadoo koox hubaysan ay toogteen Cismaan Faarax Cali “Suxufi” oo ahaa Taliye Xigeenka Howlgalinta Ciidanka Somaliland.

Ma jiro illaa xiligan cid loo soo qabtay dilka Sargaalkaasi iyadoo dhawaanahan ammaan daro laga dareemayay Gobolka Sool oo xiligan ay ka taliyaan Maamulka Somaliland oo dilal iyo qaraxyo ay ka dhacayeen.

Xafiiska Bartamaha Wararka Soomaaliyeed www.Bartamaha.Com

Muqdisho-Somalia.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: