Calendar

Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada oo beeniyay hadal shabaab ka soo baxay.

ciidamada-dkmg-ahBartamaha (Muqdisho):-Taliyaha Ilaaalada Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta hadlay ayaa si kulul u beeniyay warar sheegayay in uu isku dhiibay Kooxda Alshabaab.

Taliyaha Ciidanka Ilaalada Villa Somalia oo markii ugu horaysay saxaafada war siiyay ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in aanu marnaba isku dhiibi doonin Maleeshiyada Alshabaab oo saaka sheegtayt in Taliyahaasi uu u soo gacan galay.

C/laahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Ciidanka Madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxa uu daaaha ka rogay in aanu marnaba Alshabaab xiriir la samaynin islamarkaana uu wadayo dagaalka uu ku difaacayo Villa Somalia.

C/laahi Cali Caanood Taliyaha Ciidanka Villa Somalia ayaa xusay in aanay marnaba u gacan baneen doonin Alshabaab islamarkaana ay sii xoojinayaan dagaalka ay ku difaacayaan deegaanada Dowlada laga soo qabsaday ee Muqdisho.

Alshabaab ayaa saaka sheegtay in Sargaalkaasi uu ku soo biiray Shabaabka iyagoo ku faanay in Villa Somalia ay dusha sare ka maamulaan dagaalkana uu ka socanayo albaabyada Madaxtooyada Soomaaliya.

Ninkan Taliyaha u ah Ciidanka Madaxtooyada oo saaka la hadal haayay in uu isku dhiibay Alshabaab ayaa waxa ay wada dhasheen Wadaadkii Caanka ahaa Sheekh Mustafa Cali Caanood oo ay shabaabka ku dileen laba bil ka hor gudaha Magaalada Kismaayo xilli ay kala bexeen masjid uu ka aqrinayay Tafsiirka Qur’aanka Kariimka ah.

Xafiiska www.Bartamaha.Com Ee Geeska Afrika.

Comments

comments

Category : Featured, The Story, Wararka Maanta.
« »

Comment: